Madaxweynaha Dalka Suudan Oo Sheegay Inay Ka Guulaysteen Maxkamadda Denbiyada Dagaalka Ee ICC.
Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, ayaa sheegay inuu ka guulaystay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, kaddib markii ay hakisay baadhitaano ay ka wadday dambiyo dagaal oo laga gaystay gobolka Daarfuur.
Al-Bashiir ayaa sheegay in dadka Suudaan ay u midoobeen maxkamadaha gumeysiga.
Darfur ayaa waxaa ka taagnaa qalalaase tan iyo sanadii 2003-dii markaas oo ay fallaagadu hubka qaateen.
ICCda ayaa 2009-kii ku eedaysay Cumar Xasan Al-Bashiir inuu 2003-dii ka gaystay dambiyo gobolkaasi, hasayeeshee waxa uu diiday inuu aqoonsado jiritaanka maxkamadda.
Madaxweyne Al-Bashiir, ayaa sheegay in ICC-du ay ku guuldaraysatay iskudaygii ay ku doonayeen inay ku bah-dilaan Suudaan.
Al-Bashiir ayaa sheegay in dadka Suudaan ay u midoobeen maxkamadaha gumeysiga.
Dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, Fatou Bensouda
Dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, Fatou Bensouda, ayaa Jimcihii hakinta baadhitaanka waxa ay ku eedaysay Qaramada Midoobay oo aanan qaadin wax tallaaba ah.