"Ciidanka RRU Waa Geesiyaal Naftooda u Hura Ilaalinta Amaanka Dalkeena, Siyaasiyiintana Waxa Ku Waajib ah inay Ka Gaabsadaan Ka Hadalka Arrimaha Ciidanka" Safiirka Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland

0
Sunday December 14, 2014 - 13:46:18 in by Hargeysa Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ciidanka RRU Waa Geesiyaal Naftooda u Hura Ilaalinta Amaanka Dalkeena, Siyaasiyiintana Waxa Ku Waajib ah inay Ka Gaabsadaan Ka Hadalka Arrimaha Ciidanka" Safiirka Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland

    "Ciidanka RRU Waa Geesiyaal Naftooda u Hura Ilaalinta Amaanka Dalkeena, Siyaasiyiintana Waxa Ku Waajib ah inay Ka Gaabsadaan Ka Hadalka Arrimaha Ciidanka" Safiirka Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ciidanka RRU Waa Geesiyaal Naftooda u Hura Ilaalinta Amaanka Dalkeena, Siyaasiyiintana Waxa Ku Waajib ah inay Ka Gaabsadaan Ka Hadalka Arrimaha Ciidanka" Safiirka Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland Ciidanka RRU Waa Geesiyaal Naftooda u Hura Ilaalinta Amaanka Dalkeena, Siyaasiyiintana Waxa Ku Waajib ah inay Ka Gaabsadaan Ka Hadalka Arrimaha Ciidanka" Safiirka Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland
0
Sunday December 14, 2014 - 08:26:50 in Wararka by mukhtaar (xaaji)



hargaysa(afkashacabka) Waxaa Maalmahan Danbe Warbaahinta ku soo noq-noqday Siyaasiyiin kala duwan oo u badan Xisbiyada Mucaaradka ah oo si aan Haboonayn uga Hadlay Arrimaha Ciidanka, Gaar ahaan Geesiyaasha Naftood Hurayaasha ah
ee Ciidanka RRU oo Habeen iyo Maalinba u Heeggan ah Ilaalinta Amaanka Dalkeena, Ciidankaas oo ah kuwo Jiif iyo Joogba u Diiday Kooxaha Nabad Diidka iyo Argagixisada ah oo si Joogto ah Dhagaro ugu soo Maleegaya Dalkeena kuna Hamiyaya inay Falal Argagixiso ay Wadankeena ka ridaan hadii ay Fursad yar u helaan.
Iyada oo Xaq iyo Sharciba ay u Leeyihiin Xisbiyada Mucaaridku Inay Dhaliilaan Xukuumada, Dastuurkeenuna uu u Fasaxayo, ayaa waxaa Nasiib darro ah in ay Siyaasad kula soo galgashaan ama ay soo faragilyaan Arrimaha Ciidamada Dalka iyaga oo Si Gaar ah u Duraya Ciidamadeena Naftood Hurayaasha ah ee RRU oo ka mid ah Ciidamada Dalkeena oo ah Tiirka ay ku taagan tahay Nabadgelyda Qarankeenu.

Casharradii aynu ka baranay Weerarkii Fulaynimada ahaa ee ay Argagixisadu ku soo qaaday Dalkeenka 29kii Bishii Oktoobar 2008 ayaa inagu Waajibiyay inaynu Samaysano Ciidamo Casri ah oo Xooggan oo Tababar Sare leh oo si Heersare ah u Qalabaysan oo Daqiiqo yar Gudahood kagaga Hawl gali kara Goob kasta iyo Goor kasta oo loo baahdo, waxaana Ciidamadeenaasi ay Awood buuxda u leeyihiin inay si fudud u Burburiyaan Cadaw kasta oo Dalkeena Hooyo isku daya inuu dhib u geysto.

Cadawga Somaliland iyo Argagixisada Caalmka oo aad uga Xumaaday Dhismaha iyo Qalabaynta iyo Balaadhinta Ciidamadeena ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay inay Tashuush ku furaan, sumcadana ka dilaan Ciidamadeena, Waxaana looga baahan Muwaadin kasta inuu Ogaado in Ciidamadeena Guud oo RRU ay ka mid yihiin ay Habeen iyo Maalinba usoo jeedaan sidii aynu Nabadgelto ugu Noolaan lahayn.

Waxaa haboon in dadweynuha reer Somaliland ay fahmaan in ay Ciidamada RRU yihiin Ciidamo u Khaas ah La Dagaalanka Argagixisada iyo Nabadiidka, mana ah qaar loogu talogalay ka hor taga banaanbaxyada iyo wixii la mid ah, Jamhuuriyada Somaliland waxay Leedahay Ciidamo Boolis ah oo Quwad Leh kuna Filan sugida Amaanka Caadiga, waxaana jira Ciidamo u gaar ah oo loo tababaray ka hor taga banaanbaxyada iyo arrimaha la mid ah.

Ugu Danbayn waxaan usoo jeedinayaa Siyaasiyiinta iyo Cid kasta oo Caadaysatay inay Durto ama Aflagaadayso Ciidamadeena in loo Arki doono inay yihiin qaar Goolal siyaasadeed ka dhex raadinaya meel khaldan, waxaana loo tuhmi karaa inay Abbaan u yihiin ama ay si dadban oo aan toos ahayn ay ugu hadlayaan Kooxaha Argagixisada ah oo iyagu ah Kuwa Kaliya ee Diidan in Qarankeenu uu Yeesho Ciidamo Balaadhan, Aqoon Sare leh, Qalabaysan oo ku Filan Ilaalinta Sugida Amaanka Xuduudaheena Dhuleed, Cireed iyo Badeedba, waxaa ku waajib ah inay ka gaabsadaan Siyaasiyiinta Mucaaridka ahi Dhaliisha Ciidamadii Amaankeena Ilaalinayay.

Xukuumada Somaliland ee uu Hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxaa ka go'an inay sii Xoojiso Tayada, Tirada, iyo Tabarta Ciidamada ka duwan ee Jamhuuriyada Somaliland, waxaana la sii wadi doonaa Kor u Qaadida Tayada Nololeed, Dhaqaale, Haybadeed, iyo Aqooneed ee Ciidamadeena Geesiyaasha ah.

AFKASHACABKA.NET

OFFICE:HARGEISA
by mukhtaar cabdifatax (xaaji)