Saldhigga daloodho oo badbaadiyey ilmoyar oo hooyadii Suuli ku ridey iyo dhacdooyin lagu dilayo caruurta yaryar oo hargeysa ku so badanaya

0
Saturday March 15, 2014 - 18:45:39 in by Super Admin
  • Visits: 929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigga daloodho oo badbaadiyey ilmoyar oo hooyadii Suuli ku ridey iyo dhacdooyin lagu dilayo caruurta yaryar oo hargeysa ku so badanaya

    Ciidamada Booliska ee Saldhiga Doolodho ee magaalada Hargeysa ayaa shalay badbaadiyay ilmo yar oo markii uu dhashay ay hooyadii suuli ku riday, habeen hore

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska ee Saldhiga Doolodho ee magaalada Hargeysa ayaa shalay badbaadiyay ilmo yar oo markii uu dhashay ay hooyadii suuli ku riday, habeen hore


Hooyada ayaa si qarsoodi ah suuliga ugu riday ilmaheeda, ka dib markii ay  dhashayba, iyadoon ciddi ogayn.

Laakiin qoyska degenaa guriga suuligiisa lagu riday ilmahar yar ayaa salaadii subax la sheegay inay ka war heleen oohinta ilmaha yar ee suuliga ka dhex ooyaya, waxaanay dalbadeen Booliska oo iyaguna dalbaday xoogag kale oo suuliga jebiyay.

 Waxaana sidaas lagu badbaadiyay ilmihii yaraa oo loo fidiyay daryeel, isagoo aanay amarka Alle wax dhibaato ahi gaadhin.


Inkastoo aanu jirin wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Booliska, haddana wararka qaar ayaa sheegaya in la hayo hooyadii falkaas foosha xun samaysay.

 

Falkan ayaa ah mid fool xun oo axmaqnimo leh, waxaanu shalay fajac iyo layaab ku abuuray dadweynaha xaafadaas degen.




Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com