Dadka Saacadaha Badan Dul Fadhiya Cumputerka Oo La Ogaaday Inay Dhabar Xanuun Halis U Yihiin.

0
Sunday December 14, 2014 - 15:20:39 in by Burco Office
  • Visits: 748
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka Saacadaha Badan Dul Fadhiya Cumputerka Oo La Ogaaday Inay Dhabar Xanuun Halis U Yihiin.

    Dadka inta badan wax ku qora kombuyuutarada casriga ah iyo Ipod shaashada laga isticmaala ayaa ay ka cawda muruqyo xannuun iyo dhabar xannuun sida cilmi-baadhis cusub lagu iftiimiyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka inta badan wax ku qora kombuyuutarada casriga ah iyo Ipod shaashada laga isticmaala ayaa ay ka cawda muruqyo xannuun iyo dhabar xannuun sida cilmi-baadhis cusub lagu iftiimiyey.


Khubarada daraasadan samaysay waxay sheegeen in qofku haddii uu muddo badan wax ku qoro kombuyuutarada laptop-ka ah, buuggaagta iyo Ipod-ka ay keenaan in jidhka qaybo ka mid ah noqdaan qaar si xawli ah u shaqeeya, gaar ahaan maqaarka iyo muruqyada, haddii muruqyadu nasasho wayaan inta badana waxay keenta in qofku uu daalo,garbihiisuna noqdaan qaar xannuun dareema sida ay iftiimiyeen cilmi-baadhayaashan ka tirsan Jaamacadda Northern Illinois ee dalka Maraykanka.

 


Hadii qofku uu isticmaalo muddo badan kombuyuutar, waxna ku qoro waxay keenta in dhabarka iyo garbaha qofka xannuun ka soo asiibo,” ayuu yidhi Jeong Ho Kim oo daraasadan khubarada qortay hoggaaminaayey. Daraasad ay sameeyeen khubaradan qalliinka ku takhasustay waxay bedka soo dhigeen in haddii qofku madaxiisa hoos u dhigo xagal 60 degre ah amma marka uu wax qoraayo ah waxay la mid tahay isagoo culays aad u badan saaray laf dhabarta, taasina ay keento in laf-dhabartu marnaato.

Cilmi-baadhistan oo lagu daabacay jariirada lagu magacaabo Applied Ergonomics, ayaa khubaradu ku sheegeen in dadka ay baaritaanka ku sameeyeen oo aan lahayn markii hore dhabar xannuun hasayeeshee markii ay caadaysteen isticmaalka Kombiyuutarka ay dareemeen xanuun dhanka dhabarka ah.

conatact@afkashacabka.com