Super Sunday: Man United vs Liverpool: Kooxaha Ugu Guulaha Badan Ingiriiska Oo Ku Balansan Old Trafford

0
Sunday December 14, 2014 - 15:32:31 in by Burco Office
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Super Sunday: Man United vs Liverpool: Kooxaha Ugu Guulaha Badan Ingiriiska Oo Ku Balansan Old Trafford

    Maanta waxaa Old Trafford ka dhici doona kulan xiiso, xamaasad iyo xifaaltan gaar ah xambaarsan waxaana isku wajahi doona kooxaha ugu guulaha badan dalka Ingiriiska ee Manchester United iyo Liverpool. Waa kulankii 15-aad ee kulamada EPL-ka xili ci

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta waxaa Old Trafford ka dhici doona kulan xiiso, xamaasad iyo xifaaltan gaar ah xambaarsan waxaana isku wajahi doona kooxaha ugu guulaha badan dalka Ingiriiska ee Manchester United iyo Liverpool. Waa kulankii 15-aad ee kulamada EPL-ka xili ciyaareedkaan. Man United wax guuldaro ah lama kulmin shantii ciyaarood ee ugu dambeysay, halka Liverpool ay laba jeer guuldaro la kulantay shantii kulan ee ugu dambeysay horyaalka. Man United haatan waxey fadhisaa booska 3-aad iyadoo leh 28-dhibcood, halka Liverpool ay taagan tahay booska 9-aad iyadoo leh 21-dhibcood.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Manchester United vs Liverpool

Tartanka: FA Premier League

Garoonka: Old Trafford

Garsoore: Martin Atkinson

Saacadda: 4:30: Galabnimo (Xiliga Geeska Afrika).

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Angel Di Maria ayaa seegi doona kulankaan sida la hubo iyadoo xidigaan uu waayay labadii kulan ee ugu dambeeyay madama dhaawac dhanka muruqa ah uu qabo, balse United waxey dib u heshay Jones iyo Rafael kuwaas oo mudo dheer garoomada ka maqnaa.

Mario Balotelli ayaa tababarka kusoo laabtay madama uu ayantan dhaawac kaga maqnaa dhaawac gumaarka ah, Lallana ayaa rajeynaya inuu qeyb ka noqdo kulankaan halka Kolo Toure uu isna soo bogsooday.

MA OGTAHAY:

Kaliya Kulanka Everton vs Liverpool (20-rooso): Ayaa ka rooso badan kulanka maanta waxaana kulankaan la bixiyay taariikhda (15-rooso)

Gerrard ayaa ah xidiga ugu badan ee goolal ku dhaliyay Old Trafford isasgoo marti ku ah (5-gool) ayuuna ka dhaliyay.

Robin Van Persie ayaa shabaqa ku hubsaday 6-gool, sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay oo uu Liverpool ku wajahayo EPL-ka.

Kaliya Chelsea (6-guul) Ayaa Liverpool kaga badan guulaha ay ku gaartay Old Trafford oo ah (5-guul) taariikhda EPL-ka.

Juan Mata ayaa dhaliyay afar gool kaliya shan beegsi oo uu sameeyay xili ciyaareedkaan.

Mario Balotelli ayaa dhaliyay laba gool kulan uu horay ugu ciyaaray Old Trafford isagoo ka tirsan Man City waxeyna aheyd October 2011, markaas oo City ay 6-1 ku xasuuqday United.

Manchester United ayaa noqotay kooxda ugu badan ee goolal ka dhalisa meel ka baxsan xerada ganaaxa (7-gool) ayeyna ku dhaliyeen.

Angel Di Maria ayaa caawiyay 20-gool, sanadkaan 2014, waana xidiga ugu caawinta badan shanta horyaal ee ugu waaweyn yurub sanadkaan.

‘Todobadii kulan ee ugu dambeysay oo ay labadan koox ku ciyaaraan Old Trafford waxey iska dhalinayeen ugu yaraan 3-gool.

SADEXDII KULAN EE UGU DAMBEYSAY:

Man Utd 0 – 3 Liverpool (Gerrard 34, 36, Suarez) 2014

Man Utd  1 (Hernandez) – 0  Liverpool  Sept 2013 Capital One Cup

Liverpool 1 (Sturridge) – Man Utd Sun 01 Sept 2013

LINE UPKA MACQUULKA AH:

MAN UNITED:

De Gea; Jones, Evans, Rojo, Rafael; Carrick, Fellaini, Young, Mata; Rooney, Van Persie

LIVERPOOL:

Mignolet, Johnson, Enrique, Lovren, Skrtel, Lucas, Henderson, Lallana, Gerrard, Sterling, Balotelli

contact@afkashacabka.com