Madaxweynaha Puntland oo Maanta u duulay Dalka Ethiopia

0
Sunday December 14, 2014 - 16:20:59 in by Burco Office
  • Visits: 656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland oo Maanta u duulay Dalka Ethiopia

    Garoowe(afka)Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamul Goboleedka somaliyeed Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u duulay dalka Ethopia, Iyagoo ku wajahan magaalada Adis Ababa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoowe(afka)Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamul Goboleedka somaliyeed Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u duulay dalka Ethopia, Iyagoo ku wajahan magaalada Adis Ababa.


Waxaa Garoonka diyaarada magaalada Garoowe wafdiga madaxweyna ku sagootiyey madaxwayne ku xigeenka Puntland Eng C/xakiin C/laahi Cumar Camay, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakil katirsan Madaxtooyada Puntland iyo Shacabka magaalada Garoowe.

Wafdiga madaxweyna waxaa ku waheliyo wasiirka wasaarada warfaafinta Puntland C/wali Xirsi Cabdulle Indha Guran iyo saraakiil ka mida ah madaxtooyada Puntland, Wafdiga madaxweynaha ayaa casuumaad ka helay madaxda dalka Ethiopia oo xiriir wanaagsan ka dhaxeyo Puntland.

Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas oo saxaafada kula hadlay garoonka ayaa si kooban uga hadlay safarkiisa Ethiopia ‘’Maanta waxaan u dhoofayaa magaalada Adis-ababa ee Dalka Ethopia oo aan ku maqnaan doono muddo saddex maalmood ah oo aana u tagi doono howlo shaqo iyo weliba xoojinta xiriirka nagala dhaxeeye iyo weliba dhanka arrimaha amaanka’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Garoowe/Office

cecontact@afkashacabka.com