Madaxwaynaha Somaliland oo Caawa soo Gadhay Maydh Barina udhaafi doona Cerigaabo

0
Sunday March 16, 2014 - 00:05:31 in by salman abdi
  • Visits: 1065
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Somaliland oo Caawa soo Gadhay Maydh Barina udhaafi doona Cerigaabo

    Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii la socday oo saaka ka baxay Magaalada Berbera oo ay ku sugnaayeen labadii maalmood ee u dambeeyay, ayaa caawa gaadhay degmada Maydh ee gobolka Sanaag.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii la socday oo saaka ka baxay Magaalada Berbera oo ay ku sugnaayeen labadii maalmood ee u dambeeyay, ayaa caawa gaadhay degmada Maydh ee gobolka Sanaag.


Weftiga Madaxwaynaha oo ay ka mid yihiin Wasiirro tiro badan, agaasimayaal, xildhibaano, Masuuliyiin xisbiga Kulmiye ah, ayaa waxa caawa abaaro 9:00 fiidnimo ay gaadheen degmada Maydh, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay dadwayne tiro badan iyo maamulka deegaankaasi oo diyaar u sii ahaa.


Madaxwaynaha Somaliland iyo Weftiga la socda, ayaa Caawa u hoyana isla-markaana seexaya degmada Maydh, waxaana la filayaa inay subaxa ka baxaan, siina Maraan deegaano kale oo Xiis ka mid tahay, galinka horena ay gaadhaan Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag ee Somaliland.


Madaxwaynaha, ayaa la filayaa in maalinta berri ah oo uu dhagax dhigi doono deked cusub oo laga hirgelin doono Maydh, iyadoo berri wixii ka dambeeyan uu furi doono bilowga mashruucii dhismaha jidka Ceerigaabo iyo Burco isku xidhaya kasoo dhismihiisa laga soo bilaabayo dhanka Ceerigaabo, waxaana weftiga Madaxwaynaha halkaasi kaga sii horeeya masuuliyiin ka mid ah guddida heer qaran ee dhismaha jidka Ceerigaabo iyo Burco, kuwaasi oo u sii gogol xaadhaya weftiga Madaxwaynaha JSL.


AFKASHACABKA
MAYDH/OFFICE
SOMALILAND
CONTACT@AFKASHACABKA.COM