Idaacadda BBC oo sheegtay in saaka diyaargarow xoogan loogu jiro aaska marxuum maxmed saleban tubeec oo maydkiisa laga soo dejin doono muqdisho

0
Sunday March 16, 2014 - 07:21:46 in by Super Admin
  • Visits: 920
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Idaacadda BBC oo sheegtay in saaka diyaargarow xoogan loogu jiro aaska marxuum maxmed saleban tubeec oo maydkiisa laga soo dejin doono muqdisho

    Arrinta kala jiidashada aaska marxuum maxamed saleban tubeec ayaa noqonaysa mid ku cusub dhegaha bulshada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arrinta kala jiidashada aaska marxuum maxamed saleban tubeec ayaa noqonaysa mid ku cusub dhegaha bulshada Idaacadda BBC oo sheegtay in saaka diyaargarow xoogan loogu jiro aaska marxuum maxmed saleban tubeec oo maydkiisa laga soo dejin doono muqdisho

Waxa subaxnimadii hore ee saaka laga baahiyey idaacadda BBC da in marxuum maxamed saleban tubeec oo ahaa fannaan weyn oo caan ka ahaa geyiga soomalida lagu aasi doono magaalada muqdisho, maxmed ibrahin macalimu oo warkasi sheegayey aya xusay in diyaar garow ballaadhan iyo qabanqaabo culus ay wadaan dhammaan bahda fanka soomalida iyo weliba hal abuuri iyo haldoor kale, waxa kale oo uu xusay in qaar ka mid ah ehelada marxuumku soo gaadheen muqdisho.

Arrinta kala jiidashada aaska marxuum maxamed saleban tubeec ayaa noqonaysa mid ku cusub dhegaha bulshada, taaso dadku is weydiinayaan ma siyaasaddii ayaa xatta meydkii la gashay somalia, waxana sido kale jirtey in guddomiyaha barlamanka somalia shalay si cad u shaaciyey in lagu aasayo marxuumka muqdisho.

ehelka marxuum maxamed saleban tubeec oo ugu horeeyo walaalkii jamac saleban ayaa sheegay in marxuumku ku dardaarmay in lagu aaso gobolka saaxil oo ah halkii uu ku dhashay, kana digey in walaalkii maydkiisa laga leexiyo goobtii uu ku dardaarmay, taaso uu xusay inay keeni karto danbi hadii qofka lagu aasiyo waayo meelaha uu ku sii dardaarmo geeridiisa ka hor.

waxa la sugaaba waa sida xaalku udhaco iyo halka laga soo dejiyo maydka marxuumka oo khilaaf siyaasadeed oo somaliland iyo somalia ah isu bedelay.




Afkashacabka.com

Muqdisho /Office

Contact@afkashacabka.com