TAARIIKHAHA LA CIYAARI DOONO CHAMPIONS LEAQUEGA WAREEGIISA 16 KA KOOXOOD IYO SIDA AY KOOXUHU U SOO KALA HORAYN DOONAAN

0
Tuesday December 16, 2014 - 08:35:26 in by Burco Office
  • Visits: 1020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TAARIIKHAHA LA CIYAARI DOONO CHAMPIONS LEAQUEGA WAREEGIISA 16 KA KOOXOOD IYO SIDA AY KOOXUHU U SOO KALA HORAYN DOONAAN

    Waxa ugu wayn ee haysta saxaafada ciyaaraha ka faaloota ayaa ah isku aadka Champions Leaquega wareegiisa 16 ka kooxood oo laga warsugaayay kulamada ka soo bixi doona, kaas oo shalay la shaaciyay;

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa ugu wayn ee haysta saxaafada ciyaaraha ka faaloota ayaa ah isku aadka Champions Leaquega wareegiisa 16 ka kooxood oo laga warsugaayay kulamada ka soo bixi doona, kaas oo shalay la shaaciyay;

Waxa ugu wayn ee haysta saxaafada ciyaaraha ka faaloota ayaa ah isku aadka Champions Leaquega wareegiisa 16 ka kooxood oo laga warsugaayay kulamada ka soo bixi doona, kaas oo shalay la shaaciyay.

Hadda 16 ka kooxood ee ka soo baxay heerkii group-yada ee Champions Leaquega ayay koox kastaaba ogtahay kooxda ay iswajihi doonaan waxayna haddaba bilaabayaan qorshihii ay kulamadaa kala hortagi lahaayeen iyaga oo inta ka hadhay sii daraasadayn doona dhaliilaha iyo meelaha ay ku xoogan yihiin kooxada ay la ciyaarayaan.

 

champions-Leaqeug

Kooxaha ayaa iskugu jira kuwo ku faraxsan natiijada isku aadka ka soo baxday halka kuwo kale ay ka walwalsan yihiin laakiin waxay ku qasban yihiin inay sida ay tahay u qaataan waxa kala doorasho ahina ma jirto.

Haddaba mar haddii aan ognahay koox kastaaba cida ay la ciyaari doonto wareega 16 ka kooxood waxaan halkan ku eegaynaa kulamada wareega 16 ka kooxood taariikhda ay dhici doonaan iyo sida ay kooxuhu u soo kala horayn doonaan.kulamada lugta hore ee wareega 16 ayay kooxahii kaalinta labaad kaga soo baxay heerkii group-yada ku ciyaari doonaan garoomadooda halka  kooxahii kaalinta kowaad ku soo baxayna ay marti ahaan doonaan

Lugta koowaad ee wareega 16 ka kooxood ee Champions leaqeuga ayaa sidan loo kala ciyaari doonaa.1

Lugta Labaad ee wareega 16 ka kooxood ee Champions leaqeuga ayay kooxahii kaalinta kowaad kaga soo baxay heerkii groupyada ee Champions Leaqeuga garoomadooda ku ciyaari doonaan halka kuwii kaalinta labaad ku soo baxayna ay marti ahaan doonaan.Halkan hoose ka fiiri kulamada lugta danbe ee wareega 16 ka kooxood.2

WARBIXIN: Mourinho Oo 174 Kulan Ku Gaadhay 400 Oo dhibcood Oo Horyaalka Ingiriiska Ah, Imisa Kulan Ayayse Ku Qaadatay Sir Alex, Wenger Iyo Tababarayaasha Kale Ee Horyaalka Ingiriiska?

 Mourinho

Tababaraha kooxda Chelsea ee Jose Mourinho ayaa kulankii ay kooxdiisu Stamford Bridge kaga badisay kooxda Hull City ku gaadhay rekoodh cusub oo ah kulamada ugu yar ee tababare horyaalka ingiriiska ahi ku gaadho afarta boqol ee dhibcood taas oo uu ku noqday tabaabraha ugu dhakhsaha badan ee 174 kulan ku gaadhay afarta boqol ee dhibcood.

Mourinho oo laba jeer kooxda Chelsea tababare u noqday wuxuuna guud ahaan horyaalka ingiriiska kooxda Chelsea safay 174 kulan oo horyaalka ah isaga oo ka helay 401 dhibcood. Mourinho ayaa 122 kulan oo ka mid ah 174 kulan guulaystay, wuxuuna barbaro galay 35 kulan halka uu guuldaro la kulmay 17 kulan oo kaliya.

Haddaba haddii aan eegno ragga ay isku qayrka yihiin Mourinho ee ka soo shaqeeyay ama haddaba ka shaqeeya tababaranimda horyaalka ingiriiska iyo inta kulan ee ay ku qaadatay inay gaadhaan afarta boqol ee dhibcood ayay muuqanaysaa inuu Mourinho kaalinta kowaad kaga jiro.

 sir

Tababarihii ugu waqtiga dheeraa horyaalka ingiriiska ee Sir Alex Ferguson ayay inuu 400 oo dhibcood gaadho ay ku qaadatay 191 kulan waxaana u dhexeeya 17 kulan.Sir Alex iyo kooxdiisa Man United ayaa horyaalka maamulkiisa iska haystay ka hor intii uuna Mourinho horyaalka ingiriiska soo gaadhin.

 wenger

Halka tababaraha hadda horyaalka ingiriiska ugu waqtiga dheer ee Arsene Wenger ay ku qaadatay inuu gaadho afar boqol oo dhibcood 208 kulan. Wenger iyo Mourinho ayay u dhaxaysaa 34 kulan inta ay kuwada gaadheen 400 ee dhibcood ee horyaalka ingiriiska ah.

Tababarihii hore ee Liverpool Rafael Benitez  ayay isagana ku qaadatay 209 kulan wuxuuna halkulan oo kaliya ka hooseeyaa Wenger, halka Gerard Houllier oo isaguna isla Liverpool tababre u ahaa ay ku qaadatay 235 kulan waxayna booskaas wadaagaan halyaygii hore iyo tababarihii hore ee Reds  Kenny Dalglish oo ay isagana ku qaadatay 235 kulan.

 rafa

Mourinho ayaa xili ciyaareedkii ugu horaysay Stamford Bridge kooxdiisa Blues kula guulaystay hogaalka ingiriiska markaas oo ahayd sanadkii 2005, halka uu sanadkii xigayna ku ceshaday laakiin sanadkii 2007 ayuu katagay kooxda Chelsea.

Mourinho ayaa kadib markii uu soo maray kooxaha Inter Milan iyo Real Madrid sanadkii 2013 dib ugu soo laabtay kooxdiisi hore ee Chelsea, wuxuuna horyaalka ku dhamaystay kaalinta saddexaad laakiin wax koob ah kulamuu guulaysan halka xili ciyaareedkana ay kooxdiisu horyaalka hogaaminayso  isla markaana ay hal guuldaro oo kaliya la kulantay.chelsea1

Halkan hoose ka eeg kala saraynta tababarayaasha horyaalka ingiriiska iyo inta kulan ee ay ku qaadatay inay gaadhaan afarta boqol ee dhibcood: Tirada tababare kasta ku hor qoran ayaa ah inta kulan ee uu afarta boqol ee dhibcood ku gaadhay.

 Juan Mata: Waa Inaan Ku Tiirsanaanin David de Gea, Goolkeygana Offside Ayuu Ahaa.

 

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Juan Mata ayaa doonaya inay kooxdiisa yareyso ku tiirsanaanta David de gea kaasoo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah ka dib guushii lixaad ee isku xigta.

Red Devils ayaa 3-0 kaga badisay Liverpool shalayto iyadoo goolhayaha uu ahaa xiddiga garoonka, halka Mata uu sidoo kale aqbalay inay aheyd in goolkiisa la diido madaama uu offside ahaa.

"Guushaan 3-0 waxa ay sii xoojineysaa booskeena horyaalka; waxa ay naga dhigeysaa kuwa xoogan” ayuu ku qoray website-ka kooxda.

"Shaqsi ahaan, nasiib ayay ii aheyd inaan mar kale shabaqa soo taabto. Daacadii, waxaan daawaday muuqaalka waana run Offside ahaan ahaa ka dib markii Van Persie uu kubada madaxa ku soo taabtay. Waana wax aadan ogaan karin marka aad garoonka ku jirto, waxaan dhalinay labo gool kale, taas ayaana sii xoojineysa guusheena.

"Waxaana guusha ku mahadsan xiddiga garoonka David de Gea, kaasoo mar kale qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay. Waxa uu ku jiraa qaab ciyaareed sarre. Qof walba ayaa amaanaya, waan ognahay inay tahay inaan si aad ah u shaqeyno oo aan u baahanin inuu badbaadin badan sameeyo kulamada soo socda, waa inaan dhankaas horumar ka sameyno.

"David waxa uu ina siinayaa kalsooni. Liverpool waxa ay abuurtay fursado, laakiin isaga ayaa sabab u ahaa inaysan gooldhalinin.”

 PSG v Chelsea, Man City v Barca – Isku Aadka Wareega 16ka Champions League Oo La Soo Saaray.

Waxaa xilli dhaweyd magaalada Nyon ee dalka Switzerland lagu qabtay isku aadka wareega 16ka Champions League iyadoo ay ka soo baxeen kulamo xiiso leh.

 Paris Saint-Germain Oo U Sheegtay Chelsea Inay Aargudasho U Soo Laabatay.

Kooxda Faransiiska ee PSG ee uu hogaamiyo weeraryahan Zlatan Ibrahimovic ayaa waxa ay ka horimaaneysaa kooxda Jose Mourinho ee Chelsea, inta aan dabcan la gaadhin in garoonka lagu kala baxo, waxaad isha ku heysaa hadalada ay isdhaafsan doonaan Ibra iyo Mou.

Sidoo kale kooxda Manchester City ee sida dhibta ah uga soo baxday wareega group-yada Champions League ayaa waxa ay la ciyaari doonaan kooxda Barcelona, James Milner ayayna saadaashiisa aheyd, waana mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan wareega 16ka ee Champions League.

Kooxda koobkaan difaacaneysa ee Real Madrid ayaa waxa ay lugta hore ee wareega 16ka marti u noqon doontaa kooxda Schalke ee dalka Jarmalka, halka kooxaha Borussia Dortmund iyo Juventus oo hore finalka Champions League u soo wada ciyaaray ay mar kale isku arki doonaan wareega 16ka.

Kooxda Arsenal waxa ay iswajihi doonaan kooxda Faransiiska ee AS Mocano, halka Bayern Munich ay wajihi doonto kooxda Shakhtar Donestk. Sidoo kale Bayer Leverkusen iyo Atletico Madrid ayaa isku balansan, halka FC Basel iyo FC Porto ay isku soo hadheen.

Lugta hore waxaa la ciyaari doonaa 17/18 iyo 24/25ka bisha Febraayo, halka lugta labaad la ciyaari doono 10/11 iyo 17/18 bisha March.

SKU AADKA WAREEGA 16ka CHAMPIONS LEAGUE:

PSG v Chelsea

Manchester City v Barcelona

FC Basel v FC Porto

Arsenal v AS Monaco

Shakhtar Donestk v Bayern Munich

Schalke v Real Madrid

Juventus v Borussia Dortmund

Bayer Leverkusen v Atletico Madrid