226 Caruur Ciyaala Iskuul Ah Oo Lagu Xasuuqay Gobolka Peshawar Ee Dalka Pakistan. + Sawiro

0
Tuesday December 16, 2014 - 21:10:53 in by salman abdi
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    226 Caruur Ciyaala Iskuul Ah Oo Lagu Xasuuqay Gobolka Peshawar Ee Dalka Pakistan. + Sawiro

    Ilaa 226 ruux oo u badan caruur ayaa lagu dilay weerar ay kooxda Taliban ku qaaday iskuul uu maamulo milateriga oo ku yaal magaalada Peshawar ee dalka Pakistan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilaa 226 ruux oo u badan caruur ayaa lagu dilay weerar ay kooxda Taliban ku qaaday iskuul uu maamulo milateriga oo ku yaal magaalada Peshawar ee dalka Pakistan


 


Ilaa shan ruux oo dharka milateriga xirnaa ayaa iskuulkaas galay saaka waabarigii, iyadoo la maqlayay rasaas iyo qaraxyo, waxaana goobtaas hareereeyay ciidamada ammaanka.

imageimage

Milateriga Pakistan ayaa sheegay in ilaa 500 arday oo iskuulka dhiganayay laga saaray, iyadoo aan la ogeyn in qaarkood afduub ahaan loo qabsaday.

Afhayeen u hadlay kooxda Taliban ayaa sheegay in weerarku uu yahay mid jawaab u howlgallada ciidan ee ka socda waqooyiga Waziristan.

Boqolaal dagaalyahano Taliban ka tirsan ayaa ku dhintay howl gallo milateriga Pakistan ka waday waqooyiga Waziristan iyo agagaarka Khyber, halkaasoo ah goobaha qabaa’ilka ku xoogan yihiin.

Arday ka mid ah kuwii ka bad baaday weerarkan oo la hadlay Telefishin maxali ah oo lagu magacaabo Geo TV ayaa sheegay in kooxaha soo weeraray ay soo geleen qeybta ciidanka ee ardayda lagu siiyo tababarka koowaad ee gargaarka deg deg.

imageimage

Wararka ayaa sheegaya in khasaaraha ugu badan uu ka dhashay kooxo xiran jaakadaha qarxa, waxaana jira in wali kooxda ay gudaha ugu jiraan dhismaha Iskuulka.

Ciidamo fara badan oo kuwa ammaanka ayaa aad loo soo dhoobay halka howl galka ka socdo ee Iskuulka ay maamulaan Ciidamada Milateriga.



 Contact@afkashacabka.com