"Qof kasta oo Soomaali ah waa inuu ogaado nabad iyo horumar inaanan lagu gaadhin si fudud.." Madaxweyne Xasan Sheekh

0
Thursday December 18, 2014 - 07:58:56 in by Hargeysa Office
  • Visits: 886
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Qof kasta oo Soomaali ah waa inuu ogaado nabad iyo horumar inaanan lagu gaadhin si fudud.." Madaxweyne Xasan Sheekh

    Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii u magacaabay xilka ra'iisul wasaaraha cusub ee Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, kaasoo beddeli doona ra'iisul wasaarihii hore, C/weli Sheekh Axmed Maxamed. wuxu...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii u magacaabay xilka ra'iisul wasaaraha cusub ee Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, kaasoo beddeli doona ra'iisul wasaarihii hore, C/weli Sheekh Axmed Maxamed. wuxu...


Xasan Sheekh oo ka hadlayay xafladdii uu ku magacaabay ra’iisul wasaaraha cusub oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada ayaa sheegay inuu kalsooni ku qabo Cumar Cabdirashiid uu u gudan doono howshiisa si sharciga waafaqsan oo aan musuqmaasuq lahayn "Waxaan maanta aad ugu faraxsanahay inaan u magacaabo danjire Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Danjire Cumar waa qof si fiican loo yaqaan, lagana qaddariyo dhammaan Soomaaliya, wuxuu leeyahay aqoon iyo waayo-aragnimo shaqo, horayna wuxuu u soo noqday ra’iisul wasaare,” ayuu yidhi madaxweynaha oo ka hadlayay xafladdii magacaabidda oo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirradii hore iyo xildhibaannada baarlamaanku.

Xasan Sheekh ayaa intaa ku daray. "Inkastoo dastuurka uu awood ii siinayo inaan kaligay soo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub, haddana go’aankan markaan gaadhayay waxaan tix-geliyay aragtida Soomaalida kala duwan oo matalaya bulshada qaybaheeda. Waayo ra’iisul wasaaruhu wuxuu kaalin muhiim ah ku leeyahay Soomaaliya. Anigu waxaan ahay madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaarahuna waa madaxa xukuumadda, wuxuuna mas’uul ka yahay xaqiijinta hawlaha dowladda oo ay ku jiraan dhammaan wasiirrada iyo wasaaradaha inay fuliyaan howlahooda waqtiga loogu talao-galay, iyadoo aan musuq-maasuq lahayn, si hufanna loogu adeegayo danaha shacabka Soomaaliyeed,” ayuu madaxweynuhu ku daray hadalkiisa.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa raaciyay. "Somalia waa in si dhaqso leh wax uga qabato dhowr arrimood oo taagan oo la xidhiidha amniga, siyaasadda iyo horumarka guud. Iyadoo ay jiraan waxyaabo badan oo u baahan in la qabto, waqtigana waa yar yahay. Waxaa muhiim ah in si deg-deg ah loo fuliyo geeddi-socodka Qaran dhisidda sida uu qabo higsiga 2016-ka, sugidda amniga iyo in dhaqso ah loo hirgeliyo tallaabooyinka horumarka ee ku xusan heshiiska Higsiga Cusub (The New Deal, Somali Compact).”

Dhanka kale, madaxwenaha ayaa xusay inuu kalsooni buuxda ku qabo inuu danjire Cumar C/rashiid xanbaarsan yahay mas’uuliyadda dhammaan dadka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan golaha wasiirrada, waxaana sii adkeyn doonaa buu yidhi horumarkii la sameeyay labadii sano ee la soo gudbay "Qof kasta oo Soomaali ah waa inuu ogaado nabad iyo horumar inaanan lagu gaadhin si fudud, balse loo baahan yahay shaqo adag, heelanaan iyo dadaal dheeraad ah.”


Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay inuu ku kalsoon yahay inuu ra’iisul wasaaraha cusub aanu nasan doonin illaa iyo inta ammaan, xasillooni iyo horumar la gaadhsiinayo guud ahaan Soomaaliya. 




Contact@afkashacabka.com