TAAGEERE BRAZIL U DHASHAY OO DACWAD KU SOO OOGAY NEYMAR;

0
Thursday December 18, 2014 - 10:38:56 in by salman abdi
  • Visits: 1181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TAAGEERE BRAZIL U DHASHAY OO DACWAD KU SOO OOGAY NEYMAR;

    Mid ka mid ah taageerayaasha kooxda Sao Paulo ee dalka Brazil ayaa dacwad ku soo oogay kabtanka Brazil iyo kooxda Barcelona Neymar;

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid ka mid ah taageerayaasha kooxda Sao Paulo ee dalka Brazil ayaa dacwad ku soo oogay kabtanka Brazil iyo kooxda Barcelona Neymar;

Taageerahaan ayaa ku soo oogay dacwad ka dhan ah Neymar kadib markii uu si qarsoodi ah heshiis ula gaaray Barcelona isaga iyo aabihiis taas oo keentay inuu ka caroodo taageerahaan.

Wargays ka soo baxa Brazil ayaa daabacay arinkaan waxayna sheegeen in taageerahaan uu u safray Japan si uu u daawado final-kii koobka kooxaha aduunka ee 2011 kaas oo u dhexeeyay kooxaha Barcelona iyo Sao Paulo.


Taageerahaan ayaa ku bixiyay safarkiisa 2 kun oo Ginni lakiin wuxuu ogaaday in Neymar uu si qarsoodi ah heshiis ula galay kooxda Barcelona taas oo ka caraysiisay taageerahaan wuxuuna sheegay in Neymar uu qiyaamay sidaas darteedna uu u baahan yahay inuu helo lacagtii uga baxday safarkaas.

Taageerahaan ayaa dalbanaya in la siiyo 6600 oo Ginni si looga xaalmariyo qiyaanadii ay u gaysteen Neymar iyo aabihiis lakiin Neymar ayaan wali ka hadlin arinkaan.



Contact@afkashacabka.com