Daawo Video:Madax waynaha JSL oo si weyn Loogu Soo Dhaweeyay Laasqoray iyo booqashadiisa taariikhiiga ah +SAWIRO

0
Monday March 17, 2014 - 09:05:23 in by Super Admin
  • Visits: 2693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Daawo Video:Madax waynaha JSL oo si weyn Loogu Soo Dhaweeyay Laasqoray iyo booqashadiisa taariikhiiga ah +SAWIRO

    Madaxwayne Siilaanyo iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaadhay Magaalada Laasqoray ee bariga Gobolka Sanaag,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwayne Siilaanyo iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaadhay Magaalada Laasqoray ee bariga Gobolka Sanaag,






Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii uu hogaaminaayey ee maalmahanba socdaalka ku maraayey Xeebaha Somaliland ayaa saaka subaxnimadii waxay ka ambabaxeen Maydh iyaga oo u sii jeeday Degma Laasqoray oo ah Cidhifka Xeebaha Somaliland, Marka laga reebo Ceelaayo oo iyadu soo xidha Xeebaha Jamhuuriyada Somaliland, waana markii ugu horaysay ee Madaxweyne Somaliland Hogaaminayaa uu Degmadan kormeer hawleed ku yimaado.

Madaxweynaha oo si seer sare ah, oo qiimo iyo sharafi ku dheehan tahay loogu soo dhaweeyey ka dib waxa uu madaxweynuhu ugu horaynba soo kormeeray Cusbitalka Degmada Laasqoray oo ah Cusbital qadiimo ah, Mudana ay gacanta ku haysay Maamo Canab Jaamac Maxamed, sidoo kalena waxa uu kormeer kaasi la mid ah ku tegay Wershedda Laasqoray oo ah wershed fac-weyn ku leh dalka ahna mid soo saarta Kalluunka Qasacadaysan iyo waxyaalo badan oo kale.

Madaxweynaha oo dhagax-dhigay Dekeda Laasqoray oo dib u habayn lagu samayndoono insha allaa

Waxa iyana xusid mudan in Ciidamada Badda Somaliland ay ku dabaaldegayeen Dekeda Laasqoray iyaga oo Magaca madaxweynaha ku qoray Laash ay badda si farshaxanimo ah ugu damaashaadeen kuna qoreen Mudnae Madaxweyne soo dhawoow, waxa halkan kugu diyaara Dadweynaha reer Laasqoray.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu la qaatay qadar saacaado ah dadweyne tiro badan oo ay ka muuqatay Wadaniyad iyo Qiiro madaxweyne-nimo oo ku tusaysa in dadkani indhohoodu u basaaseen Madaxweynaha Qaranka Somaliland wakhtina ay ku qaadatay inay mar uun indhaha ka qaadaan Madaxweynihii ay doorteen oo dhex lugaynaya Degmadooda Laasqoray, taasi oo maanta oo ay bishu tahay 16-03-2014 u hirgashay

Waxaana halkaasi ka hadlay wasiirka Caafimaadka Mudane Saleebaan Xagla-toosiye oo balan qaaday in marka uu ku noqdo Caasimada u soo diri doono gaadhi Ambulance ah, sidoo kalena waxa halkaasi ka hadlay wasiirka Kalluumaysiga, Khayraadka bada, Mudane Buureed iyo Wasiirka Gaashaandhiga, Mudane Cadami..



Afkashacabka.com

Ceerigaabo /Office

Contact@afkashacabka.com


HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRO BADAN  OO KU SAABSAN BOOQASHADA MADAXWEYNAHA LAASQOREY