Lucas Silva Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Xiisaha Ay U Qabto Kooxda Real Madrid

0
Friday December 19, 2014 - 15:29:37 in by Burco Office
  • Visits: 1029
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lucas Silva Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Xiisaha Ay U Qabto Kooxda Real Madrid

    Wiilka bartilmaameedka u ah kooxda Real Madrid Lucas Silva ayaa markii ugu horeysay si shaac baxsan kaga hadlay xiisaha ay u qabto kooxda reer Spain, isagoo suuragal ka dhigay inuu u dhaqaaqo boqorada yurub xili ciyaareedkaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiilka bartilmaameedka u ah kooxda Real Madrid Lucas Silva ayaa markii ugu horeysay si shaac baxsan kaga hadlay xiisaha ay u qabto kooxda reer Spain, isagoo suuragal ka dhigay inuu u dhaqaaqo boqorada yurub xili ciyaareedkaan.


Kubad sameeyaha kooxda Cruziero ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay lala xiriirinayay Real Madrid, inkastoo tababare Ancelotti uu qaboojiyay arinta la xiriirineysa in xidigaan uu kusoo biiro Madrid.

Si kastaba Lucas Silva ayaa wareysi uu bixiyay kaga hadlay arimahaan isagoo qiray inuu mustaqbalka dhaw ku biiro doono Real Madrid.

"Waan la yaabay waana ku faraxsanahay, dhamaan wararka isbuucyadii lasoo dhaafay ila xiriirinayay Real Madrid” Ayuu yiri Lucas.

"In lagula xiriiriyo koox weyn sida Real Madrid waa sharaf iyo farxad waxeyna ii ahaan laheyd riyo inaan u ciyaaro diyaar ayaana u ahay inaan halkaas aado”

"Waxaan rajeynayaa in labada kooxood ay arinteyda ka heshiiyaan, balse anigu waxaan isku diyaarinayaa iney suurogasho arintaas”

Ugu dambeyntii hadalka Lucas Silva ayaa u muuqday in xidigaan uu jecel yahay ku biiritanka Madrid inkastoo Madrid aysan waqti go’an u qaban arinta xidigaan.

contact@afkashacabka.com