Sadaasha Laga Bixiyay Kulamada 17-aad Ee Premiership-ka England Todobaadkan La Ciyaari Doono:

0
Friday December 19, 2014 - 16:21:20 in by Burco Office
  • Visits: 1007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sadaasha Laga Bixiyay Kulamada 17-aad Ee Premiership-ka England Todobaadkan La Ciyaari Doono:

    Waxaa todobaadkan la cayaari doonaa kulamada 17-aad ee horyaalka England oo haatan maraayo meel xasaasi ah sidoo kalena waxaa dhamaad ku dhow wareega kowaad ee horyaalkan xiisaha badan. Balse todobaadkan koox walbo kama ceemato guuldaro hadana waa h

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa todobaadkan la cayaari doonaa kulamada 17-aad ee horyaalka England oo haatan maraayo meel xasaasi ah sidoo kalena waxaa dhamaad ku dhow wareega kowaad ee horyaalkan xiisaha badan. Balse todobaadkan koox walbo kama ceemato guuldaro hadana waa hubaal in kooxaha qaar uu xaalka kusii xumaan doono halka kuwana ay farxad dheeraad ah heli doonaan.

Kulanka culus wuxuu ka dhici doonaa garoonka Anfield kaasi oo dhex mari doono Liverpool Vs Arsenal waxayna labadan koox u baahan yihiin guul weliba Liverpool ma xamili karto inay kusii dhex jirto dhiiqada haatan ku habsatay.

Dhanka kale Man United ayaa dooneyso inay guuleesato kulankeedii 7-aad oo xariir ah waxayna u safri doontaa garoonka Villa Park oo ay kula cayaari doonto Aston Villa.

Sidoo kale Man City iyadana Etihad waxay kusoo dhaweyn doontaa Crystal Palace mana ku qanci doonto wax guul ka yar.

Ugu dambeyntii Chelsea safar adag ayay u aadi doonaa Stadium of Light ayado kula cayaari doonto kooxda dhibka badan ee Stoke City.

Hadaba guud ahaan hoos kaga bogo sadaashada laga bixiyay kulamada 17-aad ee Premiership-ka England:

Man City 1-0 Crystal Palace

Aston Villa 0-2 Man Utd

Hull 2-1 Swansea

QPR 1-1 West Brom

Southampton 2-1 Everton

Tottenham 2-0 Burnley

West Ham 2-0 Leicester

Kulamada Axada:

Newcastle 1-1 Sunderland

Liverpool 1-1 Arsenal

Kulanka Isniinta:

Stoke 0-2 Chelsea

contact@afkashacabka.com