Madaxweyne Siilaanyo oo Socdaalkiisa Berbera illaa Laasqorey uu saamayn badan ku yeshay quluubta shacabka reer somaliland iyo deegaamo badan oo si ballaadhan logu so dhoweyey

0
Monday March 17, 2014 - 10:35:27 in by Super Admin
  • Visits: 1722
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo oo Socdaalkiisa Berbera illaa Laasqorey uu saamayn badan ku yeshay quluubta shacabka reer somaliland iyo deegaamo badan oo si ballaadhan logu so dhoweyey

    Madaxweynaha ayaa Socdaalkiisani Noqday Mid taariikhi ah kadib markii uu noqday madaxweynihi ugu horeeyey ee Bookhda Maqaamka Sh.isaxaaq iyo laasqorey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha ayaa Socdaalkiisani Noqday Mid taariikhi ah kadib markii uu noqday madaxweynihi ugu horeeyey ee Bookhda Maqaamka Sh.isaxaaq iyo laasqorey


Waxay ahayd saacadu 4 Am, Habeen markii uu Madaxweynaha Qaranka Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Socdaalkiisa ka bilaabay Magaalo Madaxda Saaxil ee Berbera isaga oo u sii jeeda, gudanaayana waajibaadkiisa shaqo ee ka soo bilaabmay marka laga hadlaayo dhinaca xeebaha Somaliland Saylac isaga oo madaxweynuhu maanka ku haya inuu soo taabto xaqiiqada ka jirta xeebaha Somaliland iyo Shacbiga ku dhaqan xeebaha ee aan mudo dheer ama aan weligoodba arag madaxweyne metelaaya qarankan Jamhuuriyada Somaliland.

Isaga oo madaxweynuhu ka duulaya baahiyaha aasaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah dadweynaha xeebta waxa uu door biday inuu ka madaxweyne ahaan uu indhaha ka soo qaado xaalada nololeed ee dad iyo xoolahaba ay ku sugan yihiin iyo baahiyaha daruuriga ah ee ka maqan dadkaasi.

Madaxweynuhu waxa uu Degmo iyo Tuulaba siiyey wakhti uu kaga dhegaysto warbiximaha iyo codsiyada dadkaasi ay u soo gudbinayaan ka Xukuumad ahaan, madama uu maanta madaxweynihii qaranku la joogo.

Waxaanay dadkaasi madaxweynaha ka socdsadeen in ay helaan Ciidamo ka hawlgala xeebaha Somaliland oo lagu xoojiyo ciidamada Somaliland si loo helo Ciidamo bad iyo beriba ka dhamaystiran, iyo in ay helaan Adeegyada Caafimaadka iyo Waxbarashada oo u baahan xoojin iyo ka warhayn joogto ah.

Madaxweynuhuna waxa uu dadkaasi ka Aqbalay codsiyada iyo baahiyaha ay sheegteen dhamaantoodba madaama ayuu yidhi madaxweynuhu uu marka horeba u soo ka kaxaystay Wasiirada arrintaasi ay khusayso si ay ula socdaan xaalada dadkani iyo waxay tabanayaanba.

Waxa ka mid ahaa Degmooyinka iyo Tuulooyinka Madaxweynuhu socdaalkiisan ku gala bixiyey ka bilow xeebta markii uu ka baxay Berbera, waxa uu madaxweynuhu gaadhay Ceel-Daraay,Conqor, Karin, Laaso- Uurguduud, Ruguuda, Shalcaw, Harshaw, Xarshow, Laaso-Surad, Xiis, Maydh, Laas-qoray, iyo Tuulooyin badan oo aanan halkan ku xusi Karin hada.

Madaxweynaha oo ku soo laabtay Maydh ka dib markii u ka soo noqday Laas-qoray waxa uu hadhimo sharafeed ku lahaa Xarunta Skheekha ee Maydh waxaanu qado sharaftaasi ka dib madaxweynuhu boqasho ku tegay Maqaamka Maydh waxa shahaado sharaf gudoonsiiyey Masuulka hada gacanta ku haya Furayaasha Maqaamka Sheekha oo sheegay in sababta uu madaxweynuhu ku mutaystay ay tahay inuu noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee soo booqda Maqaamka, sidaa awgeed ay ku sharfayaan Madaxweynaha Shahaado sharaftan.

Safarkan ayaa noqonaya safarkii ugu dheeraa ee uu madaxweynaha Somaliland ugu kuurgalo xaalada Dalku ku sugan yahay bad iyo Beriba marka loo eego waxaanu safarkani noqday safar dadweynuhu soo dhaweeyeen meel ay joogaanba.


Afkashacabka.com

Burco /Office

 

Contact@afkashacabka.com



HALLKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA SAFARKA MADAXWEYNAHA