Jose Mourinho: "Manchester United Wali Waxey Ku Jirtaa Kooxaha Horyaalka U Tartamaya"

0
Saturday December 20, 2014 - 10:01:37 in by salman abdi
  • Visits: 928
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho: "Manchester United Wali Waxey Ku Jirtaa Kooxaha Horyaalka U Tartamaya"

    Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaan meesha ka saarin suuragalnimada ah in kooxda Man United ay u tartanto horyaalka Ingiriiska xili ciyaareedkan walow ay 8-dhibcood ka sareeyaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaan meesha ka saarin suuragalnimada ah in kooxda Man United ay u tartanto horyaalka Ingiriiska xili ciyaareedkan walow ay 8-dhibcood ka sareeyaan.

Wiilasha Macalin Louis Van Gaal ayaa habacsanaan ku bilaabay horyaalka, balse haatan madaxa ayey sare u soo qaadeen waxeyna guul gaareen lixdii kulan ee ugu dambeysay iyagoo haatan soo istaagay kaalinta sadexaad ee horyaalka.


Si Kastaba Jose Mourinho ayaa aaminsan in Horyaalka uu u furan yahay Manchester United xili uu marayo meel dhexe.

"Wali waxaa jirta wado dheer, mana la ciyaarin horyaalka 50%” Ayuu Jose u sheegay warbaahinta, "Kooxaha u farqigoodu u dhaxeeyo 10-ka dhibcood ayuu u dhaxeeya Horyaalka”

"Adigoo fiican ayaad guuldaro la kulmeysaa, halka Adoo xun aad guul gaari karto, xili ciyaareedkii lasoo dhaafay ciyaar fiican ayaan la yeelanay Stoke, balse laba qalad oo aan galnay ayaa na qiimo tiray” Ayuu yiri JM.

Ugu dambeyntii macalinka reer Portugal ayaa qiray in qatarta ugu badan ee ka imaan karta Stoke City ay tahay wiilka da’da yar ee Bojan Krick.



 

contact@afkashaacabka.com