Fernando Torres Oo Ku Soo Laabanaya Liverpool Iyadoo Balotelli Amaah Lagu Siinayo Napoli.

0
Sunday December 21, 2014 - 12:09:55 in by salman abdi
  • Visits: 880
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fernando Torres Oo Ku Soo Laabanaya Liverpool Iyadoo Balotelli Amaah Lagu Siinayo Napoli.

    Liverpool ayaa si rasmi ah uga fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo bisha Janaayo weeraryahankeeda hore Fernando Torres, sida ay ku warameyso jariirada Mail on Sunday. Si kastaba, waxa ay tartan kala kulmayaan Atletico Madrid, oo ah koox uu xiddigaan reer S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool ayaa si rasmi ah uga fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo bisha Janaayo weeraryahankeeda hore Fernando Torres, sida ay ku warameyso jariirada Mail on Sunday. Si kastaba, waxa ay tartan kala kulmayaan Atletico Madrid, oo ah koox uu xiddigaan reer Spain ka bilaabay waayihiisa ciyaareed. Torres ayaa haatan amaah labo sannadood ah ku jooga AC Milan isagoo ka soo maqan Chelsea, laakiin waxaa si aad ah loo warinayaa in kooxda Talyaaniga ay dooneyso inay kansasho heshiiskaas amaahda ah madaama uusan xiddigaan ku jirin qaab ciyaareed fiican isagoo kaliya dhaliyay hal gool 10 kulan uu saftay.


Mourinho ayaanan dooneynin inuu soo ceshto Fernando Torres madaama uu xagaagii la soo wareegay Costa, Remy iyo Drogba.

Liverpool oo u muuqata inay ka quusayaan qamaarkii ay sameeyeen ee ay kula soo wareegaan Mario Balotelli xagaagii ayaa u baahan inay xoojiso weerarkeeda.

Torres oo waayo fiican ku soo qaatay Reds isagoo dhaliyay 65 gool 102 kulan oo Premier League ah uu u saftay ayaa 50 milyan ginni ugu dhaqaaqay Chelsea, waxaana laga yaabaa haatan inuu xal u noqdo dhibaatada weerar ee kooxdiisa hore.

Liverpool ayaa dooneysa inay amaah ku soo qaadato 30 jirkaan ka dibna si joogta ah kula wareegto.

Dhanka kale Balotelli ayaa laga yaabaa inuu amaah ugu biiro bisha Janaayo kooxda Talyaaniga ee Napoli.



contact@afkashacabka.com