
Xog-hayaha Guud Ee Qaramadda Midoobay Iyo Dawlada Maraykanka Oo Dhayda Ka Cadeeyay Mowqifkooda Ku Wajahan Raysal Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya
Wakaaladaha Wararka-(HWN)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa soo dhaweeyay ansixinta uu Baarlamaanka Soomaaliya ku meel mariyay Raysal Wasaaraha cusub, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaanu ku tilmaamay talaabo hore loo qaaday, sidaana waxa sheegay Af-hayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramadda MidoobayStéphane Dujarric .
Afhayeenku waxa uu xusay in Xoghayaha Guud ee Jimcoyadda Quruumaha ka dhaxaysaa uu si weyn u dhiiri-gelinayo, Madaxweynaha , Raysal Wasaaraha Cusub iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya, isaga oo ka codsaday in ay si wanaagsan u wada shaqeeyaan si loo derder-geliyo geedi scodka hannaanka siyaasada, waxaanu ka dalbaday in ay wada shaqayn fiican la yeeshaan maamulada Ku meel gaadhka ah ee ka jira Soomaliya.
Qoraalkan ka soo baxay dawlada Maraykanku, waxa uu dalbaday in la soo dhiso xukuumad cusub oo ka shaqayn karta muhiimadda horumarka ummadda, dib-u-eegista dastuurka, diyaarinta doorashooyinka, horumarinta ciidamada milateriga iyo booliska iyo dib-u-habeynta maamulka maaliyadda., waxaanu Maraykanku xusay in ay ka go'an tahay taageerada dawlada iyo shacabka Soomaalida.Dhinaca kale, dawlada daka Maraykanka, ayaa iyana dhinaceeda soo dhawaysay ansixinta Raysal Wasaaraha cusub ee Soomaliya, waxaanu ka dalbaday in uu si dhakhso ah u soo dhiso xukuumad cusub oo tayo leh, sidaana waxa lagu bayaamiyay war qoraal ah oo uu soo saaray af-hayeenka waaxda arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka, Mr Jen Psaki, waxaanay Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo raysal wasaarahaba uu Maraykanku u soo jeediay in wanaajiyaan wadashaqaynta ka dhaxaysa si looga gudbo duruufaha adag ee ku gadaaman Soomaaliya.
Contact@afkashacabka.com
Xog-hayaha Guud Ee Qaramadda Midoobay Iyo Dawlada Maraykanka Oo Dhayda Ka Cadeeyay Mowqifkooda Ku Wajahan Raysal Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya
Afhayeenku waxa uu xusay in Xoghayaha Guud ee Jimcoyadda Quruumaha ka dhaxaysaa uu si weyn u dhiiri-gelinayo