
Adduunka Oo Laga Daawadey Filim Khilaaf Ka Dhex Abuuray USA Iyo K. Kuuriya
Shirkadda Sony Pictures ayaa bilawday qaybinta filim dood badan dhaliyey oo majaajilo ah, kaasi oo lagu magcaabo "The Interview". maalin uun ka dib markii ay ku dhawaaqeen illaa 200 oo tiyeetar inay baahinayaan filimkan maalinta Kirismaska, waxaana habeen hore filimkaasi laga daawadey dalka Maraykanka.
Filimkan ayaa sidoo kale xilligan laga heli karaa meelo kala duwan oo ay ku jiraan baraha Internet-ka ee (Youtube, Google Play iyo Microsoft Xbox).
Shirkadda Sony ayaa sheegtay inay daruuri tahay in la sii daayo filimkan, gaar ahaan waxay tilmaameen inay arkaan kuwa soo weeraray ganacsigooda ee doonaya inay hor-istaagaan xoriyadda hadalka.
Shirkadda Sony ayaa baahinta filimkan dib u dhigtay toddobaadkii hore ka dib markii ay diideen tiyeetarrada Maraykanku, iyaga oo la kulmay hanjabaado kala duwan.
Filimkan Majaajilada ah ayaa ka hadlaya sheeko la xidhiidha laba weriye oo ay shaqaalaynayso hay’adda sirdoonka Maraykanku si ay u dilaan hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong Un.
Adduunka Oo Laga Daawadey Filim Khilaaf Ka Dhex Abuuray USA Iyo K. Kuuriya
Shirkadda Sony Pictures ayaa bilawday qaybinta filim dood badan dhaliyey oo majaajilo ah, kaasi oo lagu magcaabo "The Interview". maalin uun ka dib markii ay ku dhawaaqeen illaa 200 oo tiyeetar inay baahinayaan filimkan maalinta Kirismaska,