
Hooyo Somaliyeed, Ayaa Waxay Maanta Gabar ay Dhashay ku Dishay Magalada Muqdisho ka Dib Markii Gabadhaasi la soo Dalaaqay Saddex Goor oo xiriir ah
Gabadha, ayaa waxay dooneysay in markale ay ku laabato saygeedii, halka hooyada dhashayna ay u sheegtay inuu waqtiga dhamaaday, sharcigana uu u diidaayo in kol afaraad ay ku laabato ninkaasi, haddii sadexdii dalqadood ka dhamaatay.
Maryan Axmed oo deris la ahayd hooyada dhashay gabadha, ayaa waxay tiri "Hooyadaan waxay u wacday gabadheeda, markii ninkii uu saddex jeer ku soo kala furay min hal dalaaq. Hooyada waxay ku tiri hooyo maqal dalqadii way kaa dhamaatay ninkaasina kuma laaban kartit.”
Maryan waxay markale tiri "Laakiin gabadha oo Rukhiyo lagu magacaabi jiray waxay rabtay inay ku laabato ninkii soo furay, maamadana way ka hortimid, waxayna ku garaacday baangad. Sidii ayayna ku dhimatay Rukhiyo.”
Gudoomiyaha Degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxow, ayaa isna sheegay in dilka gabadha uu la xiriiro arrimo qoys uun, isla-markaana ay soo xireen maamada dishay gabadheeda.
"Dilka gabadhaan wuxuu salka ku hayaa arrimo qoys uun, meydka waxaan u qaadnay isbitaalka Keysaney, maamadana waxay ku xiran tahay Saldhiga Degmada Kaaraan, su’aalo ayaa lagu weydiinayaa.” Waxaa sidaasi yiri Yalaxow.
Maamulka Degmada Kaaraan, ayaa qorsheynaaya inay dib u soo sii daayaan hooyada dilka geysatay, iyadoo gabadha la dilay aan weli la kala cadayn inay ubad ifka uga tagtey iyo in kale.
Hooyo Somaliyeed, Ayaa Waxay Maanta Gabar ay Dhashay ku Dishay Magalada Muqdisho ka Dib Markii Gabadhaasi la soo Dalaaqay Saddex Goor oo xiriir ah
Hooyo Somaliyeed, ayaa waxay maanta gabar ay dhashay ku dishay xaafada Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, ka dib markii gabadhaasi la soo dalaaqay saddex goor oo xiriir ah.