Diyaaradaha Maraykanka Oo Duqeyn La Eegtay Sarkaal Ka Mid Ah Al-shabaab Oo Ku Sugnaa Gobalka Jubada Dhexe

0
Tuesday December 30, 2014 - 09:02:50 in by Burco Office
  • Visits: 725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha Maraykanka Oo Duqeyn La Eegtay Sarkaal Ka Mid Ah Al-shabaab Oo Ku Sugnaa Gobalka Jubada Dhexe

    Wakaaladda wararka ee France press waxa ay baahisay war ay ka soo xigatay golaha Kongareeska Maraykanka kaa oo sheegaya in duqeyn dhanka hawada ah Isnintii shalay ahayd lagu ba tilmaameedsaday Hogamaamiye ka tirsan Xarakada Al-shabaab meel u dha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakaaladda wararka ee France press waxa ay baahisay war ay ka soo xigatay golaha Kongareeska Maraykanka kaa oo sheegaya in duqeyn dhanka hawada ah Isnintii shalay ahayd lagu ba tilmaameedsaday Hogamaamiye ka tirsan Xarakada Al-shabaab meel u dhaw Degmada Saakow ee Gobalka Jubada Dhexe

Weli lama shacin Magaca Hogaamiyahaan ka tirsan Al-shabaab ee la weeraray iyo sidoo kale qaabka rasmiga ah ee weerarkaan loo fuliyay.

Sidoo kale War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda Difaaca dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay Ulajeedka bartilmaameedka weerarku in uu ahaa hogaamiye weyn oo Al-shabaab ah,  lamana bixin faafaahin intaasi ka  badan oo ku saabsan magaca iyo dhalshada hogaamiyahaasi.

Kirby oo ah afhayeenka Aqalka Cad ee dalka Maraykanka waxa uu dhankiisa sheegay in ay weli wadaan xaqiijinta Natiijooyinka howlgalkaan la fuliyay.

Duqeyntani ayaa ku soo beegmaysa maalmo ka dib markii uu isa soo dhiibay mas’uul horay uga tirsanaa Al-shabaab una qabilsanaa dhanka sirdoonka  kaa oo lagu magacaabo Zakariye Ismaaciil Axmed  iyo nin xoghayntiisa ahaa oo isaga la socday.

contact@afkashacabka.com