Dallada Sonyo Oo Markii Ugu Horaysay Dooratay Laba Gudoomiye Iyo Sababta keentay

0
Tuesday December 30, 2014 - 14:56:19 in by Burco Office
  • Visits: 700
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dallada Sonyo Oo Markii Ugu Horaysay Dooratay Laba Gudoomiye Iyo Sababta keentay

    Dallada ururada dhalinyarada somaliland ee Sonyo ayaa markii ugu horaysay dooratay laba gudoomiye oo kala madax banaan isla markaana ay kala doorteen labada garab ee ay u kala jabtay dallada Sonyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dallada ururada dhalinyarada somaliland ee Sonyo ayaa markii ugu horaysay dooratay laba gudoomiye oo kala madax banaan isla markaana ay kala doorteen labada garab ee ay u kala jabtay dallada Sonyo.


Xubnaha haysta aqlabiyada ergooyinka bixinaya codka lagu dooranayo gudoomiyaha dallada Sonyo ayaa goor dhawayd gudoomiye u doortay Cabdicasiis Xirsi Warsame oo ka mid ah musharaxiinta u taagan inay qabtaan hogaanka dallada Sonyo, waxaana cod aqlabiyad ah ku doortay ergooyinkii ka soo qayb galay shirweynaha dallada Sonyo oo matalayey afar gobol oo kala ahaa Maroodi Jeex, Togdheer, Saaxil iyo Sanaag.

Dhinaca kale garabkii kale ee dallada Sonyo ayaa iyaguna dhinacooda doortay gudoomiye, waxaana munaasibad ka dhacday xarunta dallada Sonyo lagu doortay Siyaad Cumar Cali inuu noqdo gudoomiyah dallada Sonyo, waxaana

Dhinaca kale xukuumada ayaa fara galin balaadhan ku samaysay shirweynaha Sonyo, waxaanay garab ka noqdeen aqlabiyada ergooyinka ka soo qayb galay shirweynaha oo isku raacay inay gudoomiye u doortaan Cabdicasiis Xirsi Warsame, waxaanay tani fool xumo ku tahay xukuumada oo si cad ula kala safatay musharaxiinta ku tartamaya hogaanka dallada Sonyo.

Sidoo kale waxaan la saadaalin Karin qaabka ay u shaqayn doonaan labada gudoomiye ee ay kala doorteen labada garab ee ay u kala jabtay dallada Sonyo.

contact@afkashacabka.com