WARBIXIN: Xidigaha Ay Kooxaha Horyaalka Ingiriisku Ku Waayi Doonaan Koobabka Qaramada Asia Iyo Afrika Ee Sanadka Cusub Ee 2015

0
Wednesday December 31, 2014 - 12:55:53 in by Burco Office
  • Visits: 1046
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Xidigaha Ay Kooxaha Horyaalka Ingiriisku Ku Waayi Doonaan Koobabka Qaramada Asia Iyo Afrika Ee Sanadka Cusub Ee 2015

    Waxaa dhawaan bilaamaya tartamada qaramada Asia iyo Africa, iyada oo uu ka qaramada Asia bilaamayo 9 bisha janaayo, wuxuuna soconayaa illaa 31 ka bishaas halka tartanka xiisaha badan ee Africa uu isaguna furmi doono 17 ka bisha Janaayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa dhawaan bilaamaya tartamada qaramada Asia iyo Africa, iyada oo uu ka qaramada Asia bilaamayo 9 bisha janaayo, wuxuuna soconayaa illaa 31 ka bishaas halka tartanka xiisaha badan ee Africa uu isaguna furmi doono 17 ka bisha Janaayo

.

Haddaba waxaa jira ciyaartoy badan oo ka soo jeeda wadamada Asia ama Africa oo xulalka qaramadooda uga qayb gali doona tartamadaas, waxaana jira kooxo horyaalka ingiriiska ka tirsan oo waayi doona ciyaartoy muhiim u ah.

Haddii aan hoos ugu dagno kooxda horyaalka difaacanaysa ee Manchester City ayaa waayi doonta adeega xidigeeda Yaya Toure kaas oo ku biiri doona xulka qarankiisa Ivory Cost, waxaana waheli doona xidiga ay walaalaha yihiin ee Kolo Toure oo Liverpoool ah iyo Wilfried Bony oo Swansea City u ciyaara isla markaana ay isku Ivory Coast yihiin Toure.

Kooxda Crsytal Palace ayaa waayi doonta kabtan keeda Mile Jedinak kaas oo xulka qarankiisa Australia waajibkiisa ku mashquuli doona iyo Yannick Bolasie oo ka qayb gali doona xulka qarankiisa DR Congo . Waxa kale oo iyaguna koobka qaramada Asia xulalka qaramadooda matali doona Maya Yoshida oo Southampton ah iyo xidiga Swansea City ee Ki Sung-yueng oo ka kala tirsan Japan iyo Jamhuuriyada Kuuriya sida ay u kala horeeyaan. 

Kooxaha Man City, Crystal Palace, Southampton, Newcastle United, West Ham United ayaana ciyaartoyda ugu muhiimsan ku waayi doona tartamada qaramada Africa iyo Asia. Kooxaha Arsenal, Man United, Chelsea ayuuna wax saamayn ah ku yeelan doonin tartamada qaramada Afrika halka Liverpool ay ku waayi doonto Kolo Toure oo aan muhiim u ahayn.

Waxaa jirta odhaah tidhaahda ‘masiibada qoom, waa faa’iidada qoom kale’ haddii ay kooxuhu ka walwalsan yihiin xidigaha ay waayi doonaan marka ay bilaamaan tartamada xulalka qaramada Asia iyo Africa, waxaa jirta ciyaartoy ku faraxsan oo fursad fiican ka sii heli doona kooxahooda iyaga oo ka faa’iidaysanaya maqnaanshaas. 

Xidiga kooxda Newcastle United ee Ayoze Perez ayaa fursad fiican u heli kara inuu ku bilaamo kulamada ay ciyaari doonto kooxdiisa Newcastle United marka uu Papiss Cisse ku biiro xulka qarankiisa Senegal.

 

Halka xidiga West Ham United Enner Valencia uu isaguna ka faa’iidaysan doono maqnaanshaha xidigaha ree Senegal ee Cheikhou Kouyate iyo Diafra Sakho.

Ugu danbayn Wilfried Zaha ayaa heli doona fursad uu waqti badan ku ciyaaro isla markaana uu ku bilawdo kulamada Crystal Palace marka ay kooxda ka tagaan Yannick Bolasie oo DR Congo ah,Mile Jedinak  oo Australia ka tirsan  iyo Adlene Guediora  oo xulka qaranka Algeria matali doona.

Xidigaha koobka Qaramada Asia Ka Qayb gali doona iyo kooxaha ay ka maqnaan doonaan:-

Aston Villa: Chris Herd (Australia); Crystal Palace: Mile Jedinak (Australia);Southampton: Maya Yoshida (Japan); Swansea: Ki Sung-yueng (Korean Republic); West Bromwich Albion: Jason Davidson (Australia).

Xidigaha Koobka Qaramada Afrika ka qayb gali doona iyo kooxaha ay ka maqnaan doonaan:-

Crystal Palace: Yannick Bolasie (DR Congo), Adlene Guediora (Algeria); Everton:Christian Atsu (Ghana); Hull City: Mo Diame (Senegal); Leicester City: Riyad Mahrez (Algeria), Jeffrey Schlupp (Ghana); Liverpool: Kolo Toure (Ivory Coast); Man City: Yaya Toure (Ivory Coast); Newcastle United: Mehdi Abeid (Algeria), Papiss Cisse (Senegal), Cheick Tiote (Ivory Coast); Southampton: Sadio Mane (Senegal), Emmanuel Mayuka (Zambia); Stoke City: Mame Biram Diouf (Senegal); Swansea City: Wilfried Bony (Ivory Coast); Tottenham Hotspur: Nabil Bentaleb (Algeria); West Brom: Youssouf Mulumbu (DR Congo); West Ham: Cheikhou Kouyate, Diafra Sakho (both Senegal)


.contact@omafkashacbka.c