telesom ma lodhan karaa sixirka Bararka sarifka lacagaha qalaad qeyb weyn ayey ka qaadatey ? by C/QANI JAAMAC CALI

0
Wednesday December 31, 2014 - 18:59:41 in by Burco Office
  • Visits: 2246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    telesom ma lodhan karaa sixirka Bararka sarifka lacagaha qalaad qeyb weyn ayey ka qaadatey ? by C/QANI JAAMAC CALI

    elesom maxay faaiido ku leedahay wadankan s/land? telesom waa shirkad laga aasaasey s/land 2000ilaa 2001 markaa oo ay suuqa kaga siihoreeyeen stc and soltelco oosi dhakhso ahayey kaga saartey suuqa s/land isla markaana 92% gacanta ku dhigtey bulsha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

elesom maxay faaiido ku leedahay wadankan s/land? telesom waa shirkad laga aasaasey s/land 2000ilaa 2001 markaa oo ay suuqa kaga siihoreeyeen stc and soltelco oosi dhakhso ahayey kaga saartey suuqa s/land isla markaana 92% gacanta ku dhigtey bulshada reer s/land sadex meellod laba meelood ayaa isticmaasha adeegyada ay bixiso shirkada telesom oo kala duwan sida (land line ,mobil GSM,internet dsl internetGPRS iyo adeega 3G) intaa waxaa soo raaca adeega imika saameynta weyn ku leh bulshada s/land kaasoo aad loo isticmaalo kaas oo loo yaqaan ZAAD SERVICE telesom faaiido intee leeg ayay ku haysaa ?
bulshade ma u faaiidaa mise waa khasare qarsoon ?
telesom faaiido badan ayey ka qabataa iyadoo ay sababtu tahay ka lacag ahaan iyadoo dhamaan lacagaha bulshada s/land ka faaiidaysata iyadoo CASH ahiyadoo lacgta bulshadu ku jirto wax looyaqaan SERVER oo micnihiisu yahay KAYDIYE kaas oo la odhn karo lacago malaayiin dolleroo shacbigu leeyahay ku jiraan isla markaana ay si fudud uga faaiidaysato kuna shaqaysato telesom iyadoo wax idan ah ama ogalaansha ahka haysan bulshada s/land ee lacagta lehama ay dhididkoodii tahay ama xoogeedi tahay si kastaba ha ahaatee waxa la odhan karaa marka laga tago ka faaiidaysigaa lacagataa, waxaaba shacbiga kasoo gaadhey dhibaato dhaqaale taas oo kala ah sidan

sare ukaca sarifka dollerka oo ay ku xidhantahay maceeshada bulshada oodhan si kooban hadeynu u faahfaahino markastoo sarifka lacgaha doolarkahi bato qiimaha sarifku hoos ayuu udhacaa isla markastoo oo lacagi wareeg samaysana dhaqaaale ayey abuurtaa hadaba ZAADKU labada wuu yareeyay hadii mobilkaa kuugu jirto 10$waxaa laga yaabaa inaad kala baxdo ama sarifatohadba intaad ubaahantahay (2 ama 3) kolba baahidaada halka markii hore aad (5 ama 10kaba) mar sarifanaysey runtii waa hawl fududeyn lkn waxaa ka badan dhibaatada dhaqaale ee la taabankarin.
SHAQO LA'AAN iaydoo ku ridey dhalinyaro badan oo ka xoogsan jirtey adeegyda kala ah sida(SUB-STATIONKA IIBKA PREPAID VOUCHERKA )hoos udhac ku yimid lacag sarifashadii dadka.markaas oo qofka ubaahan 2$ inuu sarifto iska sarifan jirey 5%ama10$ halakaas oo dadka lacagaha sarifa shaqo iyo faaiidoba ugu jirtey .

waa dhaqaale wax DUMENTIYA lahayn ama DAMAANAD tusaale maanta hadii dalka kusoo kordhaan dadka loo yaqaan HACKERSama tuuta INTERNETKA adeegsata si fudud ooaan dhib ku jirin ayey uqaadan karaan islamarkaana macmiil mahaysaata wax cadeyn ah oo lacagtaad kuu cadeynay? jawaabtu waa maya waxa lahaystaa waa DATABASE taana si fudu ayaa loo khalkhalinkaraa waana wax la bedeli karo marka HACKINGKU DHACO si kastaba adeega ZAAD aa halis laba aflaa oo dhextaala shacabka s/land.
bulshada s/land kunool waxaa lagu qiyaasaa inta udhaxeysa 3.5million ilaa 4million .sidey hore usoo xusnay waxaa shirkadan isticmaasha (2/3 )sadex meelood laba meelood wadar ahaana udhiganta 1.7million ooah (1,750000 hal milin iyo tadoba boqol iyo kotonkun ooqof )oo siyaabo kala duwan u isticmaala sida aynu hore soo sheegnay hadaba hadeynu bal iftiimino dhaqaalaha telesom s/lan ka soo gala oo maalintii kaliya qiyaasno si caqli siliim ahhadeynu soo qadno tirada isticmaasha celcelis ahan waxay ahayd (1750000 ay maalintii isticmaalaan 0.5$ maalintiiba qofkii celceliska 0.5$ka ooah kamaalintii isticmaala 15$iyo ka aan waxba isticmaalin celceliska ayisugu imanayaa waxay noqonaysaa )(1750000x0.5=875000 maalintii ah waanacelcelis ahaan bulshada dhamaantood maalintii hadeynu eegno bulshada celcelis ahaan bishii 30ka cisho waa cadahay 875000x30=26,250,000 lixiyolabaatan malyan labo boqol iyo kotonkunoo doolar bishii) sanadkiina waa lacag lagu qiyaasi karo 315,000,000(sadex boqol iyo shaniyo toban milyan) hadaba suaashu waxay tahay maxay telesom kusoo celiaa bulshadeeda ?
hadab telesom aa shirkad xuradeeda leh lkn ka shacbi ahaan wax la taaban karo oo muuqda oo ay kusoo celiso shirkadu majiraan marka laga reebo meelo ara ku tirisa sida makhsino jaamacadaha wadanka u dhisto mana jirto shirkad faaiido intaa eeg ka hesha wadanka hadana waxba aan kusoo celin hadana dhibaato dhaqaale ku haysa .

hadaba maxaad odhan lahaydeen telesom wa shirkad nooceeya ?hadaba
telesom maxay faaiido u leedahay s/land ? marka lagatago dhaqaalaha kasoo gala carriga s/land
waxaa jirta dawlad ka maamusha wadankan kana masuul shirkadaha iyo shacbiga ku dhaqan amaan ahaan iyo milgo ahaanba .
hadaba ma odhan karnaa telesom cashuuraha ku wajiba si hagar la'aana ayey ubixisaa iyadoo la soo dhaafayo dhibka aynu hore kusoo xusney jawaabtu akhriste waa xagiina
• cashuuraha dawlad(income tax)
• cashuurta iibka (tax sales)
• cashuurta kirada taawarada
• ruqsadaha (liceneska) iyo
• iwm
tusaale ahaan hadeynu hore kusoo xusney dakhliga soogala per day,month and per year
ookla ahaa 875,000 malinti,hadaba waxaynu eegaynaa qiimaha cashuurta iibka oo ah 5%(875000x5=43,750waa cashuurta maalintii) sanadkii hadaba maxay noqonaysaa aynu eegno(1,312,500x12=15,750,000 oo ah shan iyo toban milyan iyo todoba boqoliyo konton kun oo doolar sanadkii)
waa mid kamida cashuuraha s/land qaado kuna waajibey telesom iyo shirkadaha kaleba waana cashuuraha ugu yaree la qaado shirkadaha ama ganacsatada reer s/land. ma la odhan karaa cashuuraha xadigaa leeg ayey telesom bixisaa oodawladaushubtaa ?
hadaba gunaanadka iyo gabagabada maqaalkeenani dhibaaatda ay telesom ku hayso dadkeedaaxey si lamida ku haysa ayey odhan karnaa dalkeeda .
hadaba telesom waxaan leenahay wax kusooo cesho dalkaaga iyo dadkaagaba dalna horumarkiiisu wuxuu ku jiraa bulshada .
bulshaduna waxey ku xidhan tahay iney caawimo ka hesho shirkadaha dalka iyo ganacsatada
telesom dadkiina wax kula soo noqda
Qore byC/QANI JAAMAC CALI
EMAIL;SHICIB@OUTLOOK.COM
TEL;4287344