Boqorka Sucuudiga Oo Cusbitaalka ugu weyn ee Dalkiisa La Dhigay

0
Thursday January 01, 2015 - 09:46:24 in by Super Admin
  • Visits: 774
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqorka Sucuudiga Oo Cusbitaalka ugu weyn ee Dalkiisa La Dhigay

    Boqorka dalka Saudi Arabia, King Abdullah bin Abdulaziz, oo ay da'diisu tahay 91-jir ah ayaa lagu soo waramayaa in maanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqorka dalka Saudi Arabia, King Abdullah bin Abdulaziz, oo ay da'diisu tahay 91-jir ah ayaa lagu soo waramayaa in maanta

la dhigay Cusbitaal King Abdiasis Hospital, ku yaalla caasimada dalkaa ee Riyad, si baadhitaan caafimaad oo degdeg ah loogu sameeyo kaddib markii uu haleelay xannuun aan weli shaacin nooca uu yahay.

Waxa soo baxaya warar tibaaxaya in tuhun weyn laga qabo in Boqorka dalka Saudi Arabia, uu sii wadan karo hogaaminta dalkaa iyo in kale.

 


 

Ninka ay wallaalaha yihiin Boqorka, ee lagu magacaabo Salmaan, oo 77 jir ah, oo muddooyinkii u danbeeyay sii waday hawlaha maamulka dalka Boqortooyada Saudi Arabia, markii uu boqorku xanuunsaday ayaa lagu wadaa in uu xukunka ka badalo Boqor Abdalla, iyada oo amiirkii iska-lahaa dhaxalka Boqortooyada Saudi Arabia, Na’if Bin Abdicasis, uu dhintay sannadkii 2012-kii, markaas oo uu Amiir Salmaan uu noqday dhaxal sugaha,

Boqorka Saudi Arabia, Boqor Abdalla, ayaa muddooyinkii u danbeeyay aan lagu arag fagaarayaasha siyaasada ee aad u muhiimka sababo ku lug caafimaadkiisa oo aan fiicnayn., iyada oo Laba jeer oo hore oo kala ahaa sanadkii 2011-kii iyo2012-kii Boqorka lagu sameeyay qalliino.




Contact@afkashacabka.com