Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Hadlay Qorshaha Wershada Laydhka Berbera.

0
Thursday January 01, 2015 - 17:11:52 in by Burco Office
  • Visits: 631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Hadlay Qorshaha Wershada Laydhka Berbera.

    Xaflad lagu maamuusayay hab wadaag ah oo ku saabsan warshada laydhka Berbera oo dhexmaray xukuumadda iyo shirkad gaar loo leeyahay ayaa shalay ka dhacay huteel Maansoor ee magaalada Berbera, isla markaana waxa goob jog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad lagu maamuusayay hab wadaag ah oo ku saabsan warshada laydhka Berbera oo dhexmaray xukuumadda iyo shirkad gaar loo leeyahay ayaa shalay ka dhacay huteel Maansoor ee magaalada Berbera, isla markaana waxa goob jog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylaci).



Hadal uu munaasibadaa ka jeediyay Cabdiraxmaan Saylici wuxuu ku baraarujiyay dadka reer Berbera inay ka faa,iidaystaan fursadan oo uu xusay inay ku heli doonaan koronto, isla markaan aanay u dayicin sidii fursad uu xusay inay lumiyeen oo la xidhiidhay dhinaca biyaha. Inkastoo munaasibadaa wadaaga shirkadda korontada Berbera lagu qabtay magaaladaa, hadana waxa jira warar dhinacyo kale laga soo xigtay oo shabakadaha qaar faafiyeen, kuwaasoo tibaaxaya in saluug arrintaa la xidhiidhaa uu jiro. Wararkaasi waxay intaa ku dareen, in aanuu jirin wadaag, balse wershada korontada lagu wareejiyay shirkad gaar loo leeyahay oo ay shuraako ku yihiin Dahabshiil iyo xubno kale.

Wararku waxay intaa raaciyeen, in ujeedada uu madaxweyne xigeenku u tegay halkaasi ay ku qotonto amuurtaas oo keliya. Hase yeeshee ma jiraan warar madax banaan oo mashruuca la xidhiidha oo soo baxay, marka laga tago waxay baahisay warbaahinta dawlada iyo xogahaa kale ee laga soo xigtay illaha kale.

contatct@afkashacbka.com