Bankimoon oo Telefoon kula Hadlay Raisulwasaaraha Somaliya .Muxuu kala Hadlay?

0
Saturday January 03, 2015 - 18:41:54 in by salman abdi
  • Visits: 605
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bankimoon oo Telefoon kula Hadlay Raisulwasaaraha Somaliya .Muxuu kala Hadlay?

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon oo shalay telefoonka kula hadlay raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon oo shalay telefoonka kula hadlay raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali ayaa u sheegay inuu ka rajeynayo inuu si dhaqso leh u dhiso xukuumad loo dhan yahay, oo dumarka si dhameystiran looga qeybgeliyo.

Ban Ki-Moon ayaa madaxda sare ee Soomaalida kula taliyay inay wada shaqeyn la yimaadaan si loogu guuleysto geeddi-socodka siyaasadda oo ay ku jiraan dhismaha maamul goboleedyada federaalka ah iyo dib-u-eegista dastuurka.


Wuxuu soo jeediyay in deegaannada ay ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka saareen Al-Shabaab laga dhaqangeliyo adeegyada bulshada, sharciga iyo kala dambeynta.


Xoghayaha guud ayaa u ballan-qaaday raysul wasaaraha Soomaaliya inay Qaramada Midoobay si buuxda u taageeri doonto dadaalka Soomaalida ay ugu jirto nabadda, horumarka iyo dhowrista xuquuqda aadanaha.


Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 17-kii bishii December (2014)u magacaabay Cumar Cabdirashiidinuu noqdo raysul wasaaraha Soomaaliya, kaddib markii uu baarlamaanka kalsoonida kala noqday raysul wasaarihii hore Cabdiweli Sheekh Axmed. 



Contact@afkashacabka.com