Puntland Oo Sharci Ka Soo Saartey Ka Faa'ideysiga Khayraadkeeda

0
Saturday January 03, 2015 - 20:24:29 in by salman abdi
  • Visits: 727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Sharci Ka Soo Saartey Ka Faa'ideysiga Khayraadkeeda

    Hay'adda baadhista iyo qodidda shidaalka ee maamul goboleedka Puntland ayaa maanta war-saxaafadeed ka soo saartay arrimaha kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira dhulka Puntland ay maamusho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda baadhista iyo qodidda shidaalka ee maamul goboleedka Puntland ayaa maanta war-saxaafadeed ka soo saartay arrimaha kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira dhulka Puntland ay maamusho.


War-saxaafadeedkan oo uu warbaahinta u akhiriyay agaasimaha guud ee hay’adda MAHDAN ee baadhista iyo qodista shidaalka Puntland, Ciise Dholowaa ayaa qodobadiisa waxaa ka mid ahaa; In maamulka Puntland uu ogeysiinayo cid walba oo gasha amaba isku-dayda inay baadho, gurato, ama dhoofiso macdan iyo dhuxul-dhagaxda iyadoo aan ruqsad ka haysan hay’adda ay mudanayso ciqaabaha ku yaalla xeerarka ciqaabta Puntland.

Haddaba, go’aannada ku saabsan khayraadka Puntland ee ay hay’addu soo saartay oo lix qodob ka kooban oo la mariyay wasiirrada Puntland ayaa u qornaa sidan:

1. Xukuumadda Puntland way u madax-banaan tahay, baadhista, soo saarista, maaraynta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee ku jira baddeeda iyo berrigeeda, cid ay marti uga tahayna ma jirto.

2. Xukuumadda Puntland waxay soo dhaweyneysaa cid kasta oo doonaysa inay ka wada-hadlaan arrimaha baadhista iyo soo saarista shidaalkeeda sida (Saliidda Ceydhiin iyo Gas-ka dabiiciga ah) iyo macdanaha kale ee ku jira baddeeda iyo berrigeeda.

3. Xukuuumadda Puntland waxay ogeysiinaysaa cid walba oo gasha ama isku-dayda inay baarto, gurato, dhoofiso macdan iyo dhuxul-dhagaxa oo ruqsadna aan u haysan hay’adda shidaalka iyo macdanta inay mudanayso ciqaabaha ku yaalla xeerarka ciqaabta Puntland.

4. Hay’adda shidaalka iyo macdanta Puntland waxay soo dhaweynaysaa isla markaana ay ruqsad u siinaysaa cid walba oo doonaysa inay baadho, soo saarto, ka dibna dhoofiso macdanta iyo shidaalka ku jira soohdimaha Puntland.

5. Puntland waxay mar walba diyaar u tahay sida waafaqsan dastuurka Puntland iyo kan KMG ah ee dowwladda federaalka Soomaaliya inay dowladda dhexe kala xaajooto arrimaha shidaalka iyo macdanta Puntland marka ay dhismaan dowalad-goboleedyada Somalia oo dhan. Inta xilligaa ka horreysana Puntland waxay ku dhaqmi doontaa wuxuu dastuurkeedu u ogol-yahay, iyadoo la xaq-dhawrayo kan federaalka.


6. Hay’adda shidaalka iyo macdanta Puntland waxay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbinaysaa siyaasadda guud ee horumarinta, baadhista iyo soo saarista shidaalka iyo macdanta oo si weyn uga qayb-qaadan doonta horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada Soomaaliyeed. 


Contact@afkashacabka.com