Xildhibaanada Degmada Boorama Oo Ku Kala Qaybsamay Booqasho Lagu Tagayay Xildhibaano Ku Xidhan Xabsiga Mandheera -

0
Saturday January 03, 2015 - 20:32:31 in by salman abdi
  • Visits: 684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Degmada Boorama Oo Ku Kala Qaybsamay Booqasho Lagu Tagayay Xildhibaano Ku Xidhan Xabsiga Mandheera -

    13kaas xildhibaan ayaan u xilsaarnay furdaaminta xiisadan ay u xidhan yihiin xildhibaanadan degmada Boorama ka soo jeeda, waxa aanan qorshaynaynaa inay guda galaan arinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

13kaas xildhibaan ayaan u xilsaarnay furdaaminta xiisadan ay u xidhan yihiin xildhibaanadan degmada Boorama ka soo jeeda, waxa aanan qorshaynaynaa inay guda galaan arinta

Waxa maanta kusoo laaabtay magaalada Boorama 12 xildhibaan oo maalmihii u dambeeyay ku maqnaa xabsiga Mandheera si ay usoo baaqdaan isla markaana xog ogaal ugu soo noqdaan xildhibaano labo ah oo mudo bilk u siman u xidhn xukuumada


Xildhibaanadan ayaa waxa kale
Xildhibanadan ayaa markii ay soo gaadheen Boorama shabakada fursad u siiyay inay uga xaal waramaan xaaladii ay ku soo arkeen Mandheera iyo xabsigii ay xildhibaanadu ku xidhnaayeen waxana "Waxa aan xabsiga Mandheera ku booqanay Xil. Sh. Ibraahim Axmed Liibaan Iyo Xilibaan Xasan Bisle oo halkaas mudo ku xidhan, xaaladooda caafimaad way wanaagsanayd, waxana ay ka amaan sheegnayeen ciidanka asluubta ee xabsiga gacanta ku haya” oo ay ka warameen in mudadii ay maqnaayeen ay kulano la yeesheen Xildhibaanada Degmooyinka Gabilay Hargaysa iyo bebera isla markaana isla meel dhigeen sidii xildhibaanadan loo sii dayn lahaa, arintoodana loo gudo gali lahaa, waxana ay tilmaameen inay iska dhex doorteen gudi ka kooban 13 xildhibaan oo 5kamid ah ay yihiin kuwa Boorama halka ay 4na yihiin Xildhibaanada Caasimada Hargaysa 3na ay ka socdaan golaha degaanka ee Berbera iyo hal xildhibaan oo ka socda Magaalada Gabilay.

 

 

"13kaas xildhibaan ayaan u xilsaarnay furdaaminta xiisadan ay u xidhan yihiin xildhibaanadan degmada Boorama ka soo jeeda, waxa aanan qorshaynaynaa inay guda galaan arinta sida ugu dhaqso badan iyaga oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulidoona soo dayntooda iyo sidoo arintooda loo furfuri lahaa”

 

Dhinaca kale dadwaynaha reer Boorama ayaa si wayn u hambalyaynayay ilaa maanta xildhibaanadan 12ka ah ee soo booqday xildhibaanada xidhan, waxana ay dadwaynahu tilmaamayeen in xildhibaanadan booqashada sameeyay ay gabi ahaanba yihiin kuwo muwaadiin ah, xil balaadhana isa saaray iyaga oo sidoo kale hambalyaynay labo xildhibaan oo kale oo safarka booqashada xildhibaanadan uu u qorshaysnaaoo duruufo kale ay reebeen.

 

Qaar ka mid ah dadwaynaha ayaa arin la yaab leh ku tilmaamay sababta ay booqashadan uga baaqsadeen xildhibaandii inta badan ay isku garabka ahaayeen labadan xildhibaan ee xidhan, garabkaas oo ahaa garabka uu hogaamiyo Maayar Saleebaan Xasan Xadi oo ay dadwaynahu ku tilmaameen kuwo ku guul daraystay inay booqasho biniaadanimo oo waajib ah ugu tagaan saaxiibadooda xidhan

 

"Waxa ay ahayd in Maayarku uu hor kaco oo uu booqashadan hogaamiyo, mar hadii ay xildhibaanada xidhan mar yihiin xildhibaanadii dagmadiisa, marma yihiin xildhibaanadii garabkiisa, hadiise uu ka baaqsaday isagu xaalda degmada ka jirta aawadeed, waxa wax la dhaliilo ah waxa ay lacagta yare e noolka ah u lexejecleeyeen xildhibaandii garabka maayarka ahaa ee ku guuldaraystay inay booqashadan sameeyaan, waana nasiibdaro, magac xumo iyo milgo la’aan falkaasi” sidan waxa yidhi muwaadin reer Boorama ah oo dareeniisa ka dhiibanayay booshaqada xildhibaanadan


Contact@afkashacabka.com