Midgaan WQ: Xamse Cumar kujoog

0
Sunday January 04, 2015 - 08:15:40 in by salman abdi
  • Visits: 1329
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Midgaan WQ: Xamse Cumar kujoog

    Sureer waxay ku dhalatay magaalada hargaysa, waxay ku kortay magaalada hargaysa, nolosheeda oo dhanna waxay ku qaadatay isla magaaladaa ay ku dhalatay ee ay ku kortay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sureer waxay ku dhalatay magaalada hargaysa, waxay ku kortay magaalada hargaysa, nolosheeda oo dhanna waxay ku qaadatay isla magaaladaa ay ku dhalatay ee ay ku kortay.


Hablaha ay Sureer soo wada koreen waxay ku majeertaan qurux iyo dabeecad wanaag Ilaahay u dhaliyay oo ay dadka kale dheer tahay.

Sureer waxay ka dhalatay reer hayntoodu ay iska hoosayso, duruufaha iyo waayuhuna ay ku culus yihiin. Sureer waxa soo korisay oo nolosheeda Ilaahay gadaashii gallad iyo ammaanba ku leh hooyaadeed oo xoogaa tamaandho ah ku iibisa suuqa waaheen ee magaalada Hargaysa.

Sureer ubadka ay soo wada koreen oo dhan aad ayay u jeclaayeen iyaduna aad ayay asxaabteeda, jaarkeeda iyo ubadka ay wax wada bartaanba u jeclayd, waxaana ay ahayd mid aan kala aqoon qabiilada iyo reeraha dadku u kala baxaan waxaanay ahayd qof aad u furfuran oo dabeecad wanaagsan dadka oo dhanna la noolaan karta si fududna ay isu fahmi karaan. Sifooyinkaas iyo qaar badan oo kalaba waxay Sureer ku sifawday intii ay dhigaynaysay dugsiga hoose dhexe ee Sh. Bashiir.

Maalmaha dunidu waa farxad iyo murugo is daba taxane, Sureer iyadoo waxbarashada hamuun u qabta xiise bandanna u haysa ayay subax kasta kusoo jarmaadi jirtay dugsiga ay dhigato iyadoo kolka waagu caddaadaba cagaheeda soo miciinsan jirtay.

Bulsho kasta in wanaagsan iyo in xunba waa laga helayaaye, Sureer waxay ay isku fasal ahaayeen gabadh yar oo ay ku tartami jireen aqoonta oo inta badan kaalmaha hore ee fasalkana uu xafiiltan kaga dhaxeeyey. Ardayadaas, oo si ay libinta Sureer ugala hadho garan wayday ayaa miciinsatay hab aad u liita oo ay ku niyad jabinayso geesiyadan ay aqoontii ku gaadhi wayday.

Subaxaasi wuxuu ahaa subax aad u madaw oo soo maray taariikhda sureer, si gaar ahna wuxuu ugu suntanaa inuu ahaa maalin ay sureer soo martay dhacdo xadgudub ku ah bini aadamnimada, Islaamnimada iyo soomaalinimada, intaba.

Sidii caadiga ahayd ayay Sureer ugu soo kallahday fasalkeedii waxbarashadeedii ay jeclaydna u bilawday. Haddii dhawr xiisadood la qaatay, waxa la gaadhay waqtigi loo bixi lahaa nasashada ardayda, waana la baxay. Waqtigaa nusasaacaha, oo si u ahaa qaddar kooban, wuxuu ahaa waqti ay sureer aad u jeclayd oo ay la qaadan jirtay asxaabteeda kol ay sheekeeyaan iyo mar ay wax wada akhristaanba iyagoo cuntooyin yaryar oo ubadku aad u xiiseeyaanna ku dhex cunaya dayrka wayn ee dugsiga.

Wax yar kadib ayaa maamulihii dugsigu yeedhiyay jalaskii una sheegay ardayda in lagu noqdo fasaladda. Sureer iyo dhawr asxaabteeda ah oo sheekadu xoogaa la taraartay ayaa goor danbe kusoo laabtay fasalkii. Fasalku waa isla fasalkii ay soddon daqiiqo ka hor ka nusasaaca tagtay haddana xaalku sidii hore maaha. Ardaydu waa ardaydii haddana wajiyadooda waxa ka muuqda dhaqan aanay hore ugu arki jirin, dhammaan way xashaashaqayaan oo hoos ayay u nuxnux leeyihiin farahana waxay ku soo fiiqayaan Sureer oo hadda uun fasalka soo gashay.

Haddii ay dabada la heshay kursigii ay fasalka ku lahaydba waxay isha qac kusiisay qoraal sabuuradda lagu xardhay oo ah "SUREER WAA MIDGAAN”. Hadday akhridayba waxay garan wayday meel ay u qaaddo hadalkaas, sababtoo ah ma taqaanno macnaha kalmaddan sidoo kalana ma garanayso wax looga jeedo qoraalkaas ammaan iyo cay, se waxay wajiyada ardayda ka akhrisanaysaa in aanay wax fiican ahayn sababtoo ah ardayda qaar way qoslayaan, qosol quudhsimaad ka muuqdo, qaarna way naxsan yihiin.

Markii nuxnuxdii joogsan wayday ayay Sureer si cadho badani ka muuqato intay buugteedii u qaadatay ayay fasalkii ka baxday waxaanay u jeesatay halkii ay hooyadeed ku ogayd. Kolkii ay lasoo istaagtayba waxay ku boobsiisay waydiinta ah "Hooyo waa maxay Midgaan?”. Isla markiiba hooyo Maryan may raadin jawaab dheer oo ay Sureer ku qancisee, waxay ugu war celisay "Qofkii jannada laga waayo ayaa ah midgaan”.

Sureer sidaas ayay ku aamintay in qof kasta oo Ilaahay ka fogaada aakhiradiisana seega ayuunbaa lagu odhan karaa midgaan..



Xamse Mustafe Cali (Cumar Kujoog) 
Bahda Hiil Qalin -Hargeysa