Hordhac: Chelsea vs Watford: Drogba Oo Ku Taamaya Inuu Koobkii 5-aad Oo FA Cup Ah La Qaado Chelsea

0
Sunday January 04, 2015 - 11:39:50 in by Burco Office
  • Visits: 1774
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Chelsea vs Watford: Drogba Oo Ku Taamaya Inuu Koobkii 5-aad Oo FA Cup Ah La Qaado Chelsea

    In badan oo ka mid ah ciyaartoyda safka hore ee Chelsea ayaa la nasin doonaa kulanka ay Stamford Bridge ku qaabili doono kooxda Watford kulan ka tirsan FA Cupka wareegiisa sadexaad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In badan oo ka mid ah ciyaartoyda safka hore ee Chelsea ayaa la nasin doonaa kulanka ay Stamford Bridge ku qaabili doono kooxda Watford kulan ka tirsan FA Cupka wareegiisa sadexaad.


Goolhaye Thibaut Courtios ayaa ka dhaawacan farta, sidaas darteed waxaa la sugayaa inuu kulankaan kusoo bilowdo goolhaye Peter Cech.

Sidoo kale Hazard iyo Diego Costa ayaa laga saaray kooxda Chelsea ee wajaheysa Watford waxaana la filayaa iney badal u noqdaan Schurrle iyo Drogba oo fursad heli doona caawa.

"Sida iska caadiga ah waxaan nasiin doonaa qaar ka mid ah xidigaheenaā€¯ Ayuu yir Jose Mourinho.

Chelsea ayaa guuldaro xanuun badan kala kulantay kooxda Tottenham Hotspur kulan ka tirsan horyaalka oo kusoo idlaaday 5-3, waxeyna guul gaartay 4-kulan, 8-dii kulan ee ugu dambeysay dhamaan tartamada oo dhan.

Dhanka kale Watford waxey fadhisaa booska 5-aad ee horyaalka heerka labaad dalka Ingiriiska, waxeyna guul gaartay 4-kulan, 5-tii kulan ee ugu dambeysay bishii December ay ciyaartay 12-gool ayeyna dhaliyeen.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea ayaa guul ka gaartay 4-jeer, 5-jeer oo ay horay labadan kooxood isku arkeen FA Cupka, marka lagu daro kulan la isku rogaal celiyay labada kooxood.

Blues waxey Watford ka dhalisay wadarta 9-gool, labadii kulan ee ugu dambeysay, wax gool ahna lagama dhalin.

Kulankii ugu horeeyay labadan kooxood kulmaan wuxuu dhacay (1970), halka midkii ugu dambeeyayna uu ahaa (2010) labaduba waxey ahaayeen kulamo FA Cup ah.

Chelsea kaliya laba jeer ayey guuldaro la kulantay 33-dii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ciyaarto tartanka FA cupka, waxeyna barbaro galeen 6-jeer.

Oscar ayaa dhaliyay 4-gool, labana caawiyay, 8-kulan oo uu kusoo bilowday taranka FA Cupka.

Lixdii xili ciyaareed ee ugu dambeysay Watford waxaa ciribtiray, 2-jeer City, 2-jeer Chelsea, 1-jeer Spurs 1-heer Brighton.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

CHELSEA:

Cech; Azpilicueta, Zouma, Ivanovic, Luis; Mikel, Ramires; Schurrle, Oscar, Salah; Remy.

WATFORD:

Gomes; Angella, Cathcart, Bassong, Pudil; Anya, Guedioura, Munari, Tozser; Abdi, Deeney

contact@afkashacabka.com