Fadhigii Golaha Wakiilada Ee Maanta Oo Kooram la'aan Qabsoomi Waayey

0
Sunday January 04, 2015 - 18:10:10 in by Burco Office
  • Visits: 609
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadhigii Golaha Wakiilada Ee Maanta Oo Kooram la'aan Qabsoomi Waayey

    Tan iyo Markii Gudoomiyaha Aqalka Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro dalka ka dhoofay ayaanay wax hawl ah qaban Golaha wakiiladu. Waxaa Kooram la'aan u baaqanayay fadhiyada Golaha intii ka dambeysay 28-kii bishii Decembe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo Markii Gudoomiyaha Aqalka Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro dalka ka dhoofay ayaanay wax hawl ah qaban Golaha wakiiladu. Waxaa Kooram la'aan u baaqanayay fadhiyada Golaha intii ka dambeysay 28-kii bishii December.


Sida uu hore u sheegay Kusimaha gudoomiyaha Baashe Maxamed Faarax waxaa Golaha horyaala Xeerar iyo hawlo badan oo wakhti yar haysta, waxaanu hore ugu digay mudaneyaasha aan fadhiyada iman, hase ahaatee fadhigii Axadda Maanta ee Golaha ayaa Kooramkii la rabay buuxsami waayay.

 

 


Golaha ayaa u ballansanaa Ansixinta Xeerka Booliska oo ka soo noqday Madaxweyne Siilaanyo islamarkaana Kaabis iyo waxka bedel lagu sameeyay, waxaana fadhiga soo xaadiray 49 mudane, halka xeerkan ansixintiisu u baahnaa 55 Mudane.

Buuq badan oo mudaneyaasha qaarkood ku doodeen in la raaco xeer hoosaadka Golaha oo dhigaya in Xeerarka ka soo noqda Madaxweynaha lagu ansixiyo fadhi ay ugu yaraan joogaan 55 mudane ayaa la xidhay markii kooramku gaadhi waayay 55 Mudane.

Tan iyo markii Gudoomiye Cirro u ambabaxay dalka Jabuuti todobaadkii hore haatana u sii dhaafay Dubai ayaan Goluhu qaban wax hawl ah. Waxaana maalmihii u dambeeyay la baafiyay 21 mudane oo sabab la’aan kaga maqnaaday Golaha oo kooramkiisuna buuxsami waayay

contact@afkashacbka.com