War Deg-Deg:Qarax Ka Dhacay Agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho

0
Sunday January 04, 2015 - 19:10:07 in by Burco Office
  • Visits: 833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg-Deg:Qarax Ka Dhacay Agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho

    Qarax Ismiidaamin ah ayaa goor-dhowayd ka dhacay meel ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo lagu weeraray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia, iyadoo qaraxa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax Ismiidaamin ah ayaa goor-dhowayd ka dhacay meel ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo lagu weeraray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia, iyadoo qaraxa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.


Wararka ayaa sheegaya in qaraxan lala eegtay gaadiid ay wateen ciidammo ka tirsan kuwa nabadsugidda Soomaaliya oo marayay agagaarka Afasiyoone oo ahayd xeradii ciidamada cirka ee Somalia, iyadoo aan la ogeyn illaa hadda khasaaraha ka dhashay.


 

 

Sidoo kale, goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa kaddib ay billaabatay rasaas culus oo ay is-dhaafsanayaan kooxo hubeysan iyo ciidamadii gaadiidka la weeraray la socday, iyadoo aysan hay’adaha amniga dowladdu weli ka hadlin weerarkan, mana jirto cid sheegatay.

Ciidamadan qaraxa lagu weeraray ayaa u socday dhinaca garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo la sheegay in gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay mid ka mid ah gaadiidkii ay ciidamadan wateen.

Halka uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa soo buuxiyay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo billaabay inay xireen waddada uu qaraxu ka dhacay, iyadoo aysan jirin cid geli karta