James Milner Oo Ka Caawiyay Man City Inay Si Dhib Badan Kaga Badiyaan Sheffield Wednesday Una Gudbaan Wareega 4-aad Ee FA Cup-ka

0
Sunday January 04, 2015 - 20:23:51 in by Burco Office
  • Visits: 1256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    James Milner Oo Ka Caawiyay Man City Inay Si Dhib Badan Kaga Badiyaan Sheffield Wednesday Una Gudbaan Wareega 4-aad Ee FA Cup-ka

    Kooxda Man City ayaa laga yaabsaday kulan ka tirsanaa wareega 3-aad FA Cup-ka madaama ay laf dhuun gashay ku noqotay naadiga Sheffield Wednesday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Man City ayaa laga yaabsaday kulan ka tirsanaa wareega 3-aad FA Cup-ka madaama ay laf dhuun gashay ku noqotay naadiga Sheffield Wednesday.




Hadii uusan ahaan laheyn James Milner kooxda Man City gabi ahaanba tartanka FA Cup-ka wey isaga hari laheed wuxuuna xidiga reer England dhaliyay labada gool oo ay Man City kaga badisa kooxda Sheffield.

Kulankan xiisaha badan waxaa gool ku hormartay naadiga Sheffield Wednesday daqiiqadii 14-aad waxaana u dhaliyay xidigeeda Nuhiu.

Inkastoo Man City garoonkeeda Etihad la joogay hadana kooxda Sheffield ayaa muujisay karti dheeraad ah waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku horkaceesay Sheffield.

Markii la isku soo laabtay xidigaha Man City ayaa weerar dheeraad ah la imaadeen balse uma suura galin inay wax gool ah dhaliyaan.

Cayaarta ayaa waji kale yeelatay kadib markii uu macalin Manuel Pelligrini uu badal kusoo galiyay daqiiqadii 61-aad xidigaha kala ah David Silva iyo Samir Nasri wuxuuna badalau Frank Lampard iyo Stevan Jovetic.

Nasri iyo Sliva ayaa daafaca kooxda Sheffield nasiino u diideen waxayna natiijada noqotay in Man City ay goolka iska soo gudo waxaana cayaarta 1-1 ka dhigay James Milner daqiiqadii 66-aad asigoo caawinaad ka helay David Silva.

Xidiga kooxda Sheffield ayaa cadaadis xoogan dareemeen qaybihii dambe ee kulankan waxayna ku dadaaleen inaan gool kalena laga dhalinin si kulankan uu bar bar dhac ugu soo idlaado oo lugta labaad garoonkooda lagu kala baxo.

Balse madaame James iyo Milner iyo caqliga Man City David Silva ayaa iska kaashadeen natiijadana waxay noqotay in kooxda Sheffield qalbi jab ku dhaco.

Waayo daqiiqadii 91-aad waxaa kulankan 2-1 ka dhigay James Milner oo markale baas ka helay David Silva.

Kooxda Sheffield waxaa laga dhaliyay goolka labaad ayadoo lagu guda jiro 4-daqiiqo ee kulankan lagu daray waxayna ugu dambeyntii Man City u suura gashay inay guusha 2-1 ku qaadato.

Man City ayaa haatan iska xaadirisay wareega 4-aad ee FA Cup-ka inkastoo ay dhib badan u martay guushan qaaliga ah

. contact@afkashacbka.com