Zenit St Petersburg Oo Ka Adkaatay Borussia Dortmund Balse Ka Hartay Champions League.

0
Thursday March 20, 2014 - 07:43:35 in by Super Admin
  • Visits: 1239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Zenit St Petersburg Oo Ka Adkaatay Borussia Dortmund Balse Ka Hartay Champions League.

    Borussia Dortmund oo ay cawada soo gaartay guul daro 1-2 oo kaga timaaday kooxda reer Russia Zenit St Petersburg ayaaa u soo gudubtay wareega sideed dhamadka Champions League.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Borussia Dortmund oo ay cawada soo gaartay guul daro 1-2 oo kaga timaaday kooxda reer Russia Zenit St Petersburg ayaaa u soo gudubtay wareega sideed dhamadka Champions League.


Hulk ayaa gool ku daah furay ciyaarta oo hogaanka u dhiibay kooxdisa Zenit St Petersburg daqiiqadii 16-aad, dhowr jeer ayay Zenit weeraro halis ah ku soo qaadeen goolka Borussia Dortmund, waxeyna heleen fursado dhowr ah oo ay gool ku dhalin kareen balse daafacyada Dortmund ayaa ka biya diiday midas.


Inta aysan soo dhaman qeybtii hore Ee ciyaarta ayay Borussia Dortmund la timid goolka barbaraha waxana daqiiqadii 38-aad u dhaliyay Sebastian Kehl, Dortmund oo dabacsaan ay ka muuqatay ayaa fursad kale heshay balse uma aysan suura galin inay gool kale dhaliyaan, sida ayaana lagu kala nastay qeybtii hore Ee ciyaarta.

Qeybtii labaad Ee ciyaarta ayaa isbadal muuqda laga daremay iyadoo labadda dhinac ay la soo galeen dar dar xoogan, waxeyna labadda koox ciyaarayeen kubad xowli ah oo ku dhisan weerar iyo weerar celis, waxeyna Dortmund heleen fursad gool loo fishay balse Malfeev ayaa ka badbaadiyay.


BjHiETXCMAAjeqA

Zenit St Petersburg oo guul doon ah ayaa goolka labaad la timid daqiiqadii 73-aad waxana u saxiixay Jose Salomon Rondon kadib kubad qurux badan oo uu ka helay Domenico Criscito, inta wixi ka dambeyay Dortmund ayaa isku dayday inay mar kale dib ugu soo noqdan ciyaarta balse uma aysan suura galin, wuxuna kulankan ku soo gabgaboobay 1-2 oo ay guusha ku raacday Zenit balse isku celcelis ahaan waxa 5-4 ku soo baxay Borussia Dortmund.


Markasta Kale saco ciyarahii udnbayay
Afkashacabka/com