Dhibaatada Dhaawacyo Oo Ku Soo Laabtay Manchester United, Ma Heystaan Daafac Garab Oo Taam Ah

0
Monday January 05, 2015 - 10:59:51 in by Burco Office
  • Visits: 843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhibaatada Dhaawacyo Oo Ku Soo Laabtay Manchester United, Ma Heystaan Daafac Garab Oo Taam Ah

    Louis van Gaal ayaa mar kale dhibaatooyin dhaawac ay soo wajaheen ka dib kulankii ay Manchester United 2-0 kaga badisay kooxda Yeovil ee wareega 3aad ee FA Cup.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Louis van Gaal ayaa mar kale dhibaatooyin dhaawac ay soo wajaheen ka dib kulankii ay Manchester United 2-0 kaga badisay kooxda Yeovil ee wareega 3aad ee FA Cup.


Rafael ayaa loo qaaday cusbital iyadoo looga shaki qabo inuu jab ka soo gaaray daanka, halka daafaca kale ee garabka Luke Shaw isna la bedelay waqtigii nasashada madaama dhaawac canqowga ah uu soo gaaray.

Waxaana ay taasi ka dhigeysaa in kooxda Old Trafford ka dhisan inaysan heysanin daafacyo garbaha ka ciyaara kulanka axada soo socda ay la leeyihiin Southampton, iyadoo xiddigaha garbaha ee Ashley Young iyo Antonio Valencia ay durbaba dhaawacyo murqaha ah ku kala maqan yihiin.

Van Gaal ayaa ku amaanay Rafael inuu ku ciyaaray xanuun kulankii shalayto madaama uusan ka warqabin inuu jab ka soo gaaray daanka.

contact@afkashacbka.com