
Manchester United Oo Ka Takhalustay Olympiakos Una Soo Gudubtay Wareega Sideed Dhamadka UCL (Daawo Sawiro).
Bilowgii ciyaarta ayay dar dar xoogan la soo galeen wiilasha David Moyes, waxeyna goolka koowad heleen daqiiqadii 24-aad kadib gool ku laad (rigoore) loo dhigay waxana u dhaliyay weeraryahankoda Robin Van Persie.
Qeybtii labaad marki laysku soo noqday ayay ciyaarta ku bilaabatay jawi daganaan ah, Manchester United ayaysan waqti dheer ku qaadan inay dhaliyaan goolki seddexad waxana u dhaliyay Van Persie daqiiqadii 52-aad waxeyna ahyed kubad bulusiyoone ah balse Olympiakos oo aan ciyaarta ka quusan ayaa fursad kale heshay daqiiqadii 65-aad balse goolhaye De Gea ayaa ka badbaadiyay.
Olympiakos oo ku rajo weyneyd inay ciyaarta dhanka kale u rogaan ayaa weerar xoogan ku soo qaaday goolka Manchester United, daqiiqadii 78-aad Dominguez ayaa shuud xoogan ku laaday shabaqa United balse De Gea ayaa ka beeniyay, Man United ayaa ciyaarta mar kale dib ugu soo noqatay Rooney ayaa daqiiqadii 83-aad kubad iska qasaariyay kadib baas uu ka helay Feletcher, inta kadib ciyaarta waxba iskama aysan badalin sidaana waxa ku soo baxay Manchester United oo
Manchester United Oo Ka Takhalustay Olympiakos Una Soo Gudubtay Wareega Sideed Dhamadka UCL (Daawo Sawiro).
Manchester United ayaa cawada guul muhiim ah ka gaartay kooxda Greece ka dhisan Ee Olympiakos, waxana guushan u horseday xiddiga reer Holland ahna weeraryahankoda Robin Van Persie oo seddexley ku dhaliyay Old Trafford, waxeyna isku cel celis ahaan ku