Nin Ka Mid Ahaa Markhaatiyadii Madaxwayne Xigeenka KENYA Ee Maxakamadda ICC Oo Maydkiisa Laga Helay Nairobi.

0
Monday January 05, 2015 - 13:29:51 in by salman abdi
  • Visits: 652
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Ka Mid Ahaa Markhaatiyadii Madaxwayne Xigeenka KENYA Ee Maxakamadda ICC Oo Maydkiisa Laga Helay Nairobi.

    Meshack Yebei,oo ah Nin Kenyan ah ayaa maydkiisa laga helay Webi ku yaala dalka kenya.Ninkan ayaa ahaa Makhraati Maxakamadda Caalamiga ah ee dambiyada Dagaalka(ICC) Kaga makhraati furi lahaa xad gudbiyo lagu eedaynayo madaxweyne xigeenka Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Meshack Yebei,oo ah Nin Kenyan ah ayaa maydkiisa laga helay Webi ku yaala dalka kenya.Ninkan ayaa ahaa Makhraati Maxakamadda Caalamiga ah ee dambiyada Dagaalka(ICC) Kaga makhraati furi lahaa xad gudbiyo lagu eedaynayo madaxweyne xigeenka Kenya


 

Qaraabada ninkan la dilay ayaa sheegaya in la waayay Axadii la soo dhaafay, kaddibna meydkiisa laga helay goob meydadka lagu keydiyo.


 

Qoyska Meshack Yebei, ayaa sheegaya in uu Wiilkoodu u safri lahaa magaalada Hague, si uu ugu makhraati furo madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto, iyo weriye Joshua Sang.

Balse waxa la waayay maalmihii ugu dambeeyay bishii la soo dhaafay, kaddib markii uu biyo u doonay gabadh uu dhalay oo cisbitaal ku jirtay.

 

Booliska deegaanka Nandi ee ka tirsan gobalka Rift Valley, ayaa sheegaya in markii dambe meydkiisa laga helay webi halkaa mara, isaga oo dhaawac ka qaba madaxa.

 

Sarkaal maxkamadda ICC u jooga dalka Kenya, oo lagu magacaabo Mabinty Kamara, ayaa BBC-da u sheegtay in maxkamadda aysan war rasmi ah ka haynin geerida ninkaasi.

Maxkamadda ICC-da ayaa horay u sheegtay in kiisaska Kenya ay dhibaato ku yihiin makhraatiyo go’aankooda la badalay, loo hanjabay ama la waayay.

Bishii la soo dhaafay, dacwad oogaha maxkamadda ayaa dib ula laabtay eedeymo ka dhan ahaa madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, kaddib markii la waayay cadeyn ku filan ayna iskaashi ka waayeen dowladda Kenya.



Contact@afkashacabka.com