Weftigii uu hogaaminayey madaxweynaha JSL oo saaka ka jarmaaday magaalada Burco ayaa qaar ka mid ah Baabuurti weftigu shil ku galeen Waddada u dhaxasya Tuulooyinka LAALAYS iyo HUDDISA
War DEG DEG AH: WEFTIGII MADAXWEYNAHA OO 3 BAABUUR OO KA MID
AHI DHACEEN, WASIIRO KU DHAWACMAY IYO CAAQIL KU DHINTAY.
Weftigii uu hogaaminayey madaxweynaha JSL oo saaka ka
jarmaaday magaalada Burco ayaa qaar ka mid ah Baabuurti weftigu shil ku galeen
Waddada u dhaxasya Tuulooyinka LAALAYS iyo HUDDISA oo waxyar u jirtay Magaalada
Berbera ee Xarunta Gobolka SAAXIL.
Weftigan ayaa markii ay marayeen Waddada u dhaxaysa
Labadaasi Tuulo waxa ku hor Dhacay Gaadhi uu watay mid ka mid Cuqaasha Gobolka
SAAXIL oo la yidha Chief Caqil Cabdi Maxmed Cigaal Hadoodil, iyadoo halkaasna
uu ku geeriyooday Caaqilku.
Waxa kale oo iyana isla wakhtigaas dhacay Laba baabuur oo
kala ahaa Baabuurkii Wasiirka Warfaafinta JSL C/laahi Maxmed Dahir CUKUSE, iyo
Baabuurkii Wasiirka Caafimadka JSL Saleban Ciise Axmed XAGLATOOSIYE.
Dhaawaca Labada Wasiir ayaa loola cararay Cisbitaalka Magaalada Berbera, waxana weftigii Hadda
Gaadheen magaalada Berbera, iyadoo Dhawaca labada wasiir na halkaas lagu
daweynayo,
HalkaMaydka Caqilkana loo qaaday Degmada Sheekh, Waxana Marxum Cabdi Hadoodil lagu aasi Doona Tuulada SUUQSADE, Wasiirada ayaa sida xubno ka mid ah weftigu sheegeen uu soo gaadhay dhaawac
Fudud, iyadoo wasiir cukuse Gacan ka jabay.
Baabuurka Wasiir cukuse ayay saarnaayeen Afhayeenka Madaxtooyada Axmed saleban Dhuxul, Xildhiban Axmed yaasin, wasiir cukuse iyo darawlka wasiirku, balse ilahay amarkii masuliyiinta kale waxba kuma noqon shilkaasi. iyadoo Baabuurka wasiir xaglatoosiye na ay saarnaayeen Wasiirka iyo Staffkiisu, kuwaaso aan iyaga waxba soo gaadhin marka laga reebo wasiirka oo dhaawacyo fudud qaba.
Waa shilkii ugu xumaa ee soo wajaha weftiga madaxweynaha tan
iyo intii ay ku jireen safarka dheer ee dhinaca dhulka ah, ee ay ku marayeen
xeebaha.
Wixii warar ka soo kordha Xaaladda Caafimada ee Labada
Wasiir Kala Soco Afkashacabka.com
Afkashacabka.com
Berbera/Office
Contact@afkashacabka.com
War DEG DEG AH: WEFTIGII MADAXWEYNAHA OO 3 BAABUUR OO KA MID AHI DHACEEN, WASIIRO KU DHAWACMAY IYO CAAQIL KU DHINTAY.
Weftigii uu hogaaminayey madaxweynaha JSL oo saaka ka jarmaaday magaalada Burco ayaa qaar ka mid ah Baabuurti weftigu shil ku galeen Waddada u dhaxasya Tuulooyinka LAALAYS iyo HUDDISA