Cidda aannu nahay! WQ:Muna Axmed Cumar

0
Tuesday January 06, 2015 - 09:02:39 in by salman abdi
  • Visits: 968
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cidda aannu nahay! WQ:Muna Axmed Cumar

    Waxa aan ku barbaaray nolol aan fiicnayn. Laba wiil ayaa iga waynaa gabadhina way iga yarayd dhexda ayaan ku jiray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aan ku barbaaray nolol aan fiicnayn. Laba wiil ayaa iga waynaa gabadhina way iga yarayd dhexda ayaan ku jiray.


Mar mar waxaan dareemi jiray in labada wiil ee iga wayn iyo gabadha iga yar la iga jecelyahay. Dareen kali may ahayne run ayay ahayd oo hooyo iyo aabboba wiilasha iyo inantayada yar aad bay u jeclaayeen. Waxa aan is waydiin jiray in badan sababta loo jeclaaday iyaga ee aniga la ii jeclaan waayay? Sababta iyaga aan waxba loogu dirin ee aan anigu u qabto hawsha guriga oo dhan? Sababta si gooni ah loogu daryeelo loona xanaaneeyo inanta iga yar?, ayaan iyadana fahmi waayay.

Waxa aan qaaday cuqdad aan u qaaday nolosha igu hareeraysan aniga oo taa la liita ayaa dugsi lana geeyay aniga iyo ciyaalkayagiiba. Fasal ayaa lana wada qoray aniga iyo labadii wiil ee iga waawaynaaba, maadaama ay iyagu waxbarashadii ka habsaameen. Arday gaadhaysa soddomeeyo ayaanu isku fasal noqonay oo aannu jaarnay. Aad baan ugu farxay in aan mar kali ah bannaanka uga soo baxo gurigii cuqdada iyo hawshu igu dishay. 
Ardaydii si fiican ayaanu isku wada barannay iskulana qabsanay. Waanu wada ciyaarnay wada baratannay waxna wada barannay. Waxa aan helay hablo aanu isku da’ nahay oo aan la dheelo lana sheekaysto in badan. Waxa aan yeeshay saaxiibbo aad u wanaagsan oo iga biiyay kelinimadii iyo cuqdadii iga haysatay dhanka xaafada.Wiilashayadii sidaas si leeg ayay u heleen asxaab qiimo leh. Kubadda ayay wada ciyaari jireen wiilasha kale ee ay isku fasalka yihiin.

Muddo sannad ah ayaan aniga iyo walaalahay dugsigii farxad iyo raynrayn ku tagaynay kagana soo noqonaynay. Subax ayaanu sidii caadada ahayd isa soo raacnay wiilashayadii. Waxa aan imid fasalkaygii oo markaa macallinkii iga soo hor galay. Salaan guud oo fasalka ah kadib asxaabtaydii ayaan u dhoollacadeeyay. Haba sheegin salaantii ayaa la iga qaadi waayay oo dhinacaa ayaa la iiga sii jeedsaday. Aayar ayaan fadhiistay macallinka oo casharka waday awgeed. Markii uu macallinkii baxay ayaan ku soo jeestay oo hadal ku bilaabay. Nag! cid ila hadasha waan waayay. Sida wax u jiraan ayaan fami waayay. Inantii iigu soo xigtay ayaan damcay in aan gacanta qabto kadib way iska kay gundhisay.
Yaab iyo amakaag illayn uma go’did. Waxa aan isku dayay in aan waydiiyo sida wax u jiraan balse kuma guulaysan. Asxaabtaydii waxa ay bilaabeen in ay iska kay fogeeyaan isla markaasna joojiyaan xidhiidhadii naga dhaxeeyay oo dhan. Fasalkii oo dhan ayaa ila colloobay kadib macallimiintii, haddana maamulkii, aakhirkii isguulkii oo dhan. Isguulkii waan ka cararay oo ka haajiray sababtaas awgeed. Xaqirid, yasid, collaadin iyo fogaadin awgeed. Sababta kali ah ee waxaas oo dhan loo sameeyayna waxa ay ahayd cidda aanu nahay awgeed!



Muna Axmed Cumar
Muna_gafaneh@hotmail.com
Bahda Hiil Qalin -Hargaysa