Chelsea Oo U Xil Saartay Fabregas Inuu Messi Ku Qal Qaaliyo Usoo Guurida Garoonka Stamford Bridge

0
Wednesday January 07, 2015 - 02:05:31 in by Burco Office
  • Visits: 985
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea Oo U Xil Saartay Fabregas Inuu Messi Ku Qal Qaaliyo Usoo Guurida Garoonka Stamford Bridge

    Wargeska AS ayaa sheegay in maamulka Chelsea ay xidigooda Cesc Fabregas u adeegsan doonaan qaabkii uu Lionel Messi xagaage dambe ku imaan lahaa garoonka Stamford Bridge.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeska AS ayaa sheegay in maamulka Chelsea ay xidigooda Cesc Fabregas u adeegsan doonaan qaabkii uu Lionel Messi xagaage dambe ku imaan lahaa garoonka Stamford Bridge.


Madaama Fabregas iyo Messi uu xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo sidoo kalena labadan xidig xaasaskooda ay saaxiibo yihiin waxay maamulka Chelsea aaminsan yihiin inuu Cesc door muhiim ah ka qaadan karo sidii ay saxiixa Messi ugu guuleesan lahaayeen.

AS ayaa sidoo kale sheegay in Messi uusan haatan ku faraxsaneyn inuu ka hoos cayaaro tababare Luis Enrique wuxuuna xidigan dhamaadka xili cayaareedkan kooxdiisa Barcelona ka dalban doonaa inay iska fasaxaan.

Sidaa darteed Chelsea ayaa dooneyso inay kabtanka xulka Argentina saxiixiisa ku guuleesato inkastoo xidigan ay sidoo kalena saxiixiisa xiiso u qabaan kooxaha Man City iyo PSG.

Chelsea ha adeegsato Fabregas ama ha iska dhaafto Barcelona waxay horey u sheegtay in Lionel Messi uusan beec ahayn balse ay ka iibin doonaan kooxdii la timaado 200-milyan oo pound waa hadii uu Messi dalbado in la fasaxo.

Sidaa darteed saxiixa Messi kooxna uma sahlanaan doono xagaaga dambe.

contact@afkashacabka.com