Juventus Iyo Inter Milan Oo Kulanka Derby d'Italia Dhibcaha Ku Qaybsaday, Iyada Oo Juventus Hal Dhibic Oo Kaliya Ka Sarayso Roma

0
Wednesday January 07, 2015 - 03:59:49 in by Burco Office
  • Visits: 1312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Juventus Iyo Inter Milan Oo Kulanka Derby d'Italia Dhibcaha Ku Qaybsaday, Iyada Oo Juventus Hal Dhibic Oo Kaliya Ka Sarayso Roma

    Kooxaha Juventus iyo Inter Milan ayaa kulan adag oo ay yeesheen ku kala baxay barbaro 1:1, waxaana labada gool u kala dhaliyay Carlos Tevez iyo Mauro Icardi. dhamaadkii ciyaartana waxaa Inter casaan laga siiyayMateo Kovačić.Juventus ayaa fursad fii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha Juventus iyo Inter Milan ayaa kulan adag oo ay yeesheen ku kala baxay barbaro 1:1, waxaana labada gool u kala dhaliyay Carlos Tevez iyo Mauro Icardi. dhamaadkii ciyaartana waxaa Inter casaan laga siiyayMateo Kovačić.Juventus ayaa fursad fiican siisay Roma oo hadda hal dhibic oo kaliya ka danbaysa.



Kooxda Horyaalka Talyaaniga ee Serie A-da difaacanasya ee Juventus ayaa gurigeeda ku soo dhawaysay kooxda Roberto Mancini ee Inter Milan. Juventus ayaa doonaysay inay soo ceshato saddexdi dhibcood ee ay horyaalka ku hogaaminaysay kadib markii ay Roma oo ka sii hor ciyaarta ay la dhibco noqotay.

Juventus ayaana ciyaarta ku bilaabatay dardar fiican, taas oo keentay inay daqiiqadii 5 aad ee bilawgii ciyaartaba ay hogaanka ciyaarta la wareegaan. Carlos Tevez ayaana kooxdiisa hogaanka udhiibay kadib markii uu kubbad uu ka helay Arturo Vidal shabaqa inter ku hubsaday. Ciyaarta ayaana noqotay 1:0 ay kooxda martida loo ahaa ee Juventus hogaanka ku qabatay.tevez

Juventus ayaana qaybtii hore ee ciyaarta ciyaar wanaag iyo natiiho ahaanba ku saraysay, waxaana qaybta hore lagu kala nastay 1:0 ay Juventus hogaanka ciyaarta ugu haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta isla markaan ay wax yar socotay ayuu Mancini ciyaarta badal ku soo galiyay xidiga uu amaahda dhawaanta kula soo wareegay ee Lucas Podolski isaga oo ku soo badalayZdravko Kuzmanovic.Podolski ayaana kulankiisii ugu horeeyay eeSerie A da kooxdiisa Inter Milan u saftay.podo

Inter ayaana bilawday inay la soo baxdo qaab ciyaareed cusub, waxayna daqiiqadii 64 aad heshay fursada ay ciyaarta ku barbaraysay, waxaana gool aad u qurux badan ugu farayarystay xidigeeda Mauro Icardi, wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro min hal gool ah. FredyGuarín ayaana si fiican uga soo shaqeeyay kubbad uu Icardi ku keenay goolka barbarbaraha Inter.Icardi

Daqiiqadii 86 aad iyada Inter abuuraysa fursado badan dhawr jeerna ku sigatay inay gool ku hormarto ayuuMateo Kovačić qalad xun ku galayLichtsteinier taas oo keentay in ciyaarta laga saaro. Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro min hal gool ah. Inter Milan ayaana qaybtii danbe ee ciyaarta soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican halka ay qaybtii hore Juventus fiicnayd.

contact@afkashacabla.com