Fool Xumo Ma Faanbaa???WQ:Guuleed axmed xaashi(shaacir)

0
Wednesday January 07, 2015 - 08:19:04 in by salman abdi
  • Visits: 1494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fool Xumo Ma Faanbaa???WQ:Guuleed axmed xaashi(shaacir)

    Waa dhar laga soo dheegtay oo lagaga day day reer galbeed iyo dad aynaan isku diin ahayn,bal caawa soo mar wadada wayn ee magaalada....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa dhar laga soo dheegtay oo lagaga day day reer galbeed iyo dad aynaan isku diin ahayn,bal caawa soo mar wadada wayn ee magaalada....

Illahay waxyaabaha uu inoogu mano sheegtay waxa ka mida in uu ina siiyay dhar ,dharkaasi faa,idooyin fara badan ayuu inoo leeyahay mar waynu isku asturnaa ,mar cadceeda ayaynu iskaga celinaa ,marna qabowga ayaynu iskaga difaacnaa, laakiin maanta intaaba sifo ka fog ayuu noqday gaar ahaan dharka dumarka.

Dharka maanta hablaheenu xidhaan waa mid aad u layaab badan ,hadaad u fiirsatana waxa aad dhab u xaqiijinaysaa xadiisku uu yidhi nabigu (NNKH)( marka qiyaamuhu soo dhow yahay waxa soo bixi doona dumar dhar xidhan oo hadana qaawan…) ,waa marag ma doon in maanta xadiiskaa wakhtigiisii la joogo ,bal orod oo booqo aroosyada,xafladaha ,munaasibadaha,goobaha waxbrashada qaarka mida ee magaaladeena , dharka lays kugu faano uguna qaalisan waa mid diin iyo anshaxa islaamka aad oga fog ,magacaan fara badan ayay dumarku u yaqaanaan laakiin aniga waa ii wada dirac iyo dhajis ,waa dhar qofka xidhan jidhkiisu wada muuqdo hadana lagu faano,waa dhar xidhashadiisu xaaraan tahay hadana aad ay dumarku u jecel yihiin,waa dhar gabadh kasta oo xidhan nacdal illahay ku socoto hadana aanay ogayn ama isdiidsiinayaan, waa dhar dadka iyo bulshadaba fidnaynaya oo fudaydinaya dhamaan anshax xumo oo dhan ,waayo qofna kama tagayo qof qaawan .

 

Waa dhar laga soo dheegtay oo lagaga day day reer galbeed iyo dad aynaan isku diin ahayn,bal caawa soo mar wadada wayn ee magaalada hargeisa kala qaybisa waa tan hormurta telesom ilaa madax tooyada ,waxa aad is odhan doontaa malaha meeshani maaha hargeisa waayo hablo yar yar oo labiskoodu ku yaab galinayo ayaa hadba dhinac u dawaafaya,waxa aanad arki salaada maqrib waxa ka dambeeya ilaa 10 habeenimo .

Gabadh ayaan habeen waydiiyay dharkan waxa ay dumarku ku doorteen ? waxa ay ku jawaabtay hadaad rag tihiin idinka ayaa nagu dhiiri galiya in aanu is cadayno ,is buurno ,dharkana xidhano! . waxa aan ku idhi walaashay sidee ayaanu idiinku dhiiri galinaa !? waxa ay tidhi intaba idinka ayaa jecel, qofka aan intaa laga helin lama hadashaan , waxa aan ku idhi waraabuhu xoolo oodan iyo xoolo bilaa oodo midkuu jeclaan lahaa ? waxa ay tidhi ka bilaa ooda ah ,sax hadaba ragu waa waraabe sidaa si lamida wixii dayacan way jecel yihiin,mar qabo oo qaniin waa dabeecadooda ,in ay ku amaanaan kuna soo jiitaana waa lagu yaqaan , laakiin xisaabta ku darso ka ugu xun ina rag maalinta uu doonayo in uu guursado waxa uu raadiyaa gabadh asturan ,xijaaban oo dhar xidhan ,mid kale ku darsoo ninku haduu xumaankasta sameeyo dabadeed uu ka tooban keeno bulshada soomaalida dhaxdeeda hadhow amaan ayuu ka helaa ,macnaha waxa la yidhaahdaa ( alla ninkaa hebel siduu ahaan jiray iyo maanta siduu yahay), ceebtiisii horana looma fiirsado ,laakiin gabadha mar yara leexata haday wadaadad noqoto waxa hadhow la yidhaah daa naa ma anaga ayaad wax noo sheegaysaa maanad ahayn tii …… maanad ahayn tii la yaqaanay ,taasina waxa dhalay dhaqanka soomaalida oo dumarka aad u astura ,waad aragtay marka inanta yar ee laba jirka ah la arko iyada oo bilaa surwaala ceeb ayaa la yidhaa waxana markasta loogu dadaalaa huga iyo xishoodka ,halka wiilku intuu doono isaga oo qaawan uu meelaha iska cararo ,hada labaduba waa cawro marka aanad ku eegayn indhaha qofka soomaaliga ah ,maanta nin waalan haduu kaa soo hor baxo oo qaawan dhib uma arag tid laakiin gabadh waalan hadaad aragto markaaba waad naxaysaa ,waxa aan oga socdaa gabadheey adiga ceebtaad iyo sharaftaaduba way ka magac dheertahay ta ina rag .

Mida kale fadhi laguma waayo calaf ,socodna laguma helo kii illahay kuu qoray ,kolay dhallinyar nimo iyo sheeko waa lama huraan laakiin marna haka tagin sharaftaad ,xijaabkaaga iyo hadalkaaga oo aan jilicsanayn ileen taa tuu hore u lahaa abwaan weedhsame (marka xidhantahay xijaabka waxaad tahay xuural cayn…..).

Dumarka gaaleed haday ku faanaan isqaawin iyo jidhkooda oo ay muujiyaan ,adiga oo soomaaliyada ,muslimada oo diintaada iyo dhaqankaaguba kugu dhiiri galinayaan xishoodka iyo asturnaanta ma maxa aad ku faani kari wayday in aad is asturto ? mise dhaqankaaga iyo diintaada ayaad u haystaa mid ka hoosaysa ta reer galbeed ee aynu ku dayano?.

Ugu dambayntii waxa aan ku waanin lahaa hablaha illahay aynu ka baqano waayo ma garanayno wakhti aynu dhiman ,bal ka waran adiga oo dharkaa xidhan hadii ay taadii noqoto ,illahay kama dhigee maxaad la hor tagi illahay marka sidaa lagugu soo saaro ,maanta ayaynu fursad haysanaa ee hays odhan marka aad xanuusato oo kaliya ayaad dhimanaysaa ,imisa ayaa iga oo caafimaad ku toosay dhintay .

Raggow adba ma jeclid in aad aragto walaashaa,hooyadaa,habrawadaagtaa,inaadeertaa ,edadaa ,habaryartaa ,xaaskaaga iyo dhamaan ehelka oo qaawan ,haku dhiiri galin mid kale in ay is qaawiso waayo kuwaaga ayay la mid yihiin, Illahay xaqa iyo jidka toosan ha ina tuso ,hablaheenana ha asturo khaatumadana kheyr ha inoogu dhameeyo aamiin





 

WQ:Guuleed axmed xaashi(shaacir)

Gaaxnuug2013@gmail.com

Facebook:guled ahmed hashi(shaacir)