Cajaladdii Fiidyawga. Q:2aad iyo 3aad WQ: Nada Yusuf Cumar

0
Wednesday January 07, 2015 - 08:24:15 in by salman abdi
  • Visits: 1572
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cajaladdii Fiidyawga. Q:2aad iyo 3aad WQ: Nada Yusuf Cumar

    Wali ma eegayso waxa ka daba sanqadhaaya, wayse maqlaysaa oo dhagahay kala socotaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wali ma eegayso waxa ka daba sanqadhaaya, wayse maqlaysaa oo dhagahay kala socotaa.

Way digtoonaatay oo waxay is waydiinaysa taloow waa maxay waxan kabaha waawayn leh ee kudba jaqafsanayaa?
Cabbaar ka dib ayuunbaa lala hadlay, "Gobaad walaal ii warran" Yaab! way eegtay iyada oo aad mooddo in ay ka baqanayso. Waaba wiil dhalin yaro ah, qurxoon, hab iyo hannaan guurdoonna ka muuqdo. Way ka naxday, sababta oo ah waa maalinkii koowaad ee ay maqasho cod nin waageeni {ajaanaba} ah oo la halaaya kuna dhawaa qaaya magaceeda.
Lamay hadal ee inta ay eegtay ayay haddana is kaga soo jeedsatay oo ay wadatay socodkeedii. Isna kamuu hadhine waa uu daba socdaa tan iyo intay tagaysay jaamacadda, isaga oo waliba hadallo qalbi taabadana ka daba leh. Markay marayso iridda jaamacadda ayuu iskaga hadhay, iyada oo aan wax hadala u dallicin oo aan markii ugu horraysay mooyee mar kalena eegin.
Rawaxaaddii markii la ga soo dareeray jaamacadda ee ay sidaa uga soo baxday kadinka ayuunbaa haddana laga daba hadlay, mise waaba isla isagii oo taagan halkii uu kaga hadhay saaka markay jaamacadda galaysay.
sidii saaka ayuu u daba galay,way yabban tahay.
Gobaad,ma garanayso qofkan haddana isagu uu abtirinayaa oo mar qudha hadal ma joojinaayo,
"Gobaad hebel ...Hebeleey walaal, waxa aan ahay wiil aad kuu jecel in badan ayaan ku raadinaayay, waxa aan ka helay asluubtaada, waxa aad tahay qof diinleh ma ihi wiil kugu dheel dheelaaya. ee walaal i rumayso walaal oo ii ogoloow in aan kula hadlo". 

wager intay tidhi ayayiska sii wada tay socodkeedi. hawshii ugu badnaydba hadday dhacaysaa. Haddii ay markii hore yaabbanayd waatan imika amakaag halkii ugu danbeeyay is taagtay.

Guriga markay gashay ayuun baa daaqadihii guriga mid kamida oo furan laga soo tuuray xabbad warqada. Way aragtay, waatan qaadday, haddana waa mid kale, dhawr daqiiqo ayay waraqa haas oo dhammaantood ubax iyo jacayl miidhan lagu qoray guriga haysteen.


Ilbidhiqsiyo ka dib ayu haddana teleefankii gurigu soo ciyay, way qabtay, yaab badanaa haddana waaba isagii. Khudbaddii uu markii hore u galay oo kale ayuu haddana u galay.

Gobaad way xanaaqday, way cadhootay, way is ciil kaambiday way maagtay markaasay si kasta oo kulul ula hadashay oo ay tidhi " iddaa, oo iddaa haddaad i dayn waydana aabbahay ayaan kuu sheegi"

Subax nimadii ayay u kicitintay xaggii jaamcadda, dhabbada uun haddi ay cagta saartay ayaaba haddana lagu lammaanoobay, isla halkii uu shalay ku sii raacay ayuu saakana ka sii raacay, hadalkii sii ayuu bilaabay ilayn kama daalo in uu haddalo qalbi dhaqaajisa ku yidhaa........

Wax uu daba socdo oo uu kolba hadal macaan kadaba yidhaa, waxa ay soo gaadhay jaamacaddi. May eegin manay la hadale jaamacaddeedi ayay iska gashay, iyada oo casharaddeedii iska baranaysa ayuu kolba niyadda kaga soo dhacayaa markasay is waydiinaysaa "taloow qofkani muxuu ahaa, ma jin la guu soo diraa mise waa qof caadiya"? Waxa ay gaadhay xilligii rawaxaadda, iriidda jaamacadda hadday dhaaftay haddana waa isagii, quruxbadanaa, qaab wanaagsanaa, qawl macaana. Waa cadadiiye durba waxa uu bilaabayaa in uu hawshii haasawaha halkii ka bilaabo.

"Gobaad maxaad ii rumaysan la'dahay! maad I arkayn inta cisho ee aan kugu soo noqnoqonaayo, miyad I rumaysan la'dahay walaal, waxa aan ahay wiil kula dhashay ee ii dhiig nax oo ila hadal waan ku jecelahaye." Gobaad intaa markay maqashay ayaa ilayn waa hawen oo qalbi nugaylka waa lagu ogaaye ay u damqanaysaa. Hase ahaate wali hadal umay dallicine uurka ayuunbay uga naxday.

Markii ay gurigii timi ee ay maryihii iska bixisay in ay nasatana damacsantahay ayuu Telefoonkii soo dhacayaa!! Way qabanaysaa Hellow!! Waa wiilkii muddadanba daba socday ee ku daalay daydaygeeda. Judhaba waxa uu bilaabaya hadal naxariis iyo jacayl kicina. Waxa uu u sheegaya in uu jecelyahy, sidoo kale uu yahay guur doon hanti haysta oo raba in uu guursado sida ugu dhakhsaha badan. Sidaa awgeed gabadha uu doortay ee uu rabaana waa Gobaad iyada oo uu helo mooye nololiba uma dhadhamayso.

Gobaad iyada oo qalbigeedu soo dibcaayay markii horeba, haddana markay maqashay weedhahan afkiisa ka soo burqanaaya way la hadashay isla markana waxa ay ogolaatay in ay is bartaan.

Farxaddiisiba waa maanta, Gobaad ayaa ogolaatay, aad ayuu u riyaaqsan yahay. Waxa uu gudo galayaa habkii iyo hannaankii uu qalbigeeda ku hanan lahaa, kalsoonina uu ugu abuuri lahaa.

Waxa uu la soo hadlayaa wakhtiyada ay fursadaha u hesho, way wada hadlayaan aadna way iskugu faraxsan yihin. Waxa ay bilaabeen nolol cusub waxa ay wadaageen hasaawe darandoorriya.

Gobaad awal hore jaamacadda lugaheeda ayay ku tagi jirtay kagana iman jirtay, hadda se maya. Waxa lagu geeyaa gaadhi waxaana lagaga soo qaada gaadhi oo wiilkii ay is barteen ayaa u diidayba in ay lugayso. Abbaheed ma'oga Gobaad hawshan ay bilawday, haddu ogaado taloow maxaa dhacaya? Mooyi kollay wax aanay raalli ka ahayn oo malaa waa loo diidayaa. Sidedaba habluhu marka ay shukaansi iyo sheeko bilaaban uma sheegaan reerkooda oo way ka qariyaan, iyana waa sidii oo kaba sii daran, waayo waxa ay joogta dhul carbeed oo aan wiilka iyo gabadhu isba arki karin.

Haddaba si aan loo ogaan ayaa gaadhiga guriga kama hor raacdo'e waxa ay ka raacdaa ka gana soo degtaa meel in doora u jirta aqalkooda oo aan la arkayn.

Ayaamuhuu iftiin badanaa, Gobaad way faraxsantahay, waxa ay isu diyaarinaysaa guurkeeda iyo guri gaynteeda oo ay filayso in ay dhawaan dhacaan.


Lasoco...

Nada Yuusuf Cumar

Bahda Hiil Qalin.

Hargeysa Somaliland