Mulkiilihii Joornaalka Saxafi, sidoo kalana ahaa Xoghayihii Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliland ee (Solja), sidoo kalana ahaa Nin dhalinyaro ahaa saameyn laxaad weyn ku lahaa Saxaafadda Geeska Afika, sidoo kalana ahaa, Nin ku caan baxay Samo falka iyo Gargaarka Bini’aadamka.

Sida ay ka marag kacayaan Lab iyo Dheddig Dadkii aqoonta u lahaana ahaa Nin wanaagsan oo ah Ururshe Dadka isku ururiya, oo halku joogo lagu soo hirto sidoo kalana u dhashay Nin Karti badan.

Oo ku Geeriyooday Magaaladda Nayroobi ee Dalka Kiiniya 28/12/2014, Maydkiisiina lagu aasay Xabaalaha Xeedho ee Magaaladda Hargeysa 29/12/2014.


Ayuu Abwaan Jiheeye Gabeygan Ugu Baroor diiqayaa Ilaahay Naxariistii Janno haka waraabiyee, waxaanu gabeygan Abwaanku curiyey muddo yar ka bacdi kolkii la aasay Marxuun Maxamed Rashiid.


Wuxuu yidhi:

So’da Gabey Janaalloow baryahan, waan ka saahidaye,

Sabab igu ijbaartiyo Abbaar, Sooh tidhaan jirinne,

Cishqi iyo Tix aan ciil samayn, ma aha Suugaanneh,

Tanna sibiq kumaan currin samoow, Sahan la’aaneede,

Kuma saannan Saar iyo ilaaq, kumana Saamayne

Waa sibraar Calaacala Naxwahan, Soo gundhinayaaye

Siddan Dhamac ku joogsadey murtidan, Damaqday Saantayda,

Sumad iyo Xusbay daarantee, Geliya Sooyaalka.

Sagaalkii Caweysnimo Anoo, Jiif sardho ah jiifa,

Saymo sheege Tiifii ahbeey, igu Siraadeene,

Warku Sahalka ii yidhi Hiyiggu, Siissan kari waaye,

Saaxiibkay Rashiidbaa la yidhi, saaka wuu go’aye,

Guddoonkii Saxafibaa la yidhi, saaka wuu go’aye,

Gadhwadeenkii Sooljaa la yidhi, saaka wuu go’aye,

Gurgurshaagi sawdkaa la yidhi, saaka wuu go’aye,

Sayidkaan jeclaabaa la yidhi, saaka wuu go’aye,

Samo wade Gobeedbaa la yidhi, saaka wuu go’aye,

Sooma jeeste Hanaddaa la yidhi, saaka wuu go’aye,

Bud dhigihii suxufigaa la yidhi, saaka wuu go’aye,

Bundiqii Saboolkaa la yidhi, Saaka wuu go’aye,

Nin Ragaba ka soocanbaa la yidhi, saaka wuu go’aye

Nin Qar Talo suubanbaa la yidhi, saaka wuu go’aye,

Nin samaha ku dhaataa la yidhi, saaka wuu go’aye,

Nin Dulmiga saluugaa la yidhi, saaka wuu go’aye,

Hayin samir badnaabaa la yidhi, saaka wuu go’aye,

Hawlkar loo sinaabaa la yidhi, Saaka wuu go’aye,

Suubane Hal-doorbaa la yidhi, saaka wuu go’aye,

Sidduu iigu weynaa Haddaan, Sadar ku faaleeyo,

Saantiyo Maqaarkiyo Hankuu, igaga soohnaaye,

Saldhigyada Xusuustiyo Hedduu, Saakin ku ahaaye,

Sawirkuu ku reebuu Qalbigu, soo mir kacayaaye,,

Samahaan wadaagnuu Qalbigu, soo mir kacayaaye,

Samirkuu lahaabuu Qalbigu, soo mirkacayaaye,

Saliim kuu ahaabuu Qalbigu, soo mir kacayaaye,

Gartiisii sugnaydbuu Qalbigu, soo mir kacayaaye,

Sawdkiisii caddaabuu Qalbigu, soo mir kacayaaye,

Gubaabaddu samayn jiruu Qalbigu, soo mir kacayaaye,

Socodkii hayaankuu Qalbigu, soo mir kacayaaye,

Dad la socod kiisibuu Qalbigu, soo mir kacayaaye,

Kal-samidu Sidan jiruu Qalbigu, soo mir kacayaaye,

Gabay kuma Sar goyn karo Milguhu, saami u lahaaye.

Afartaa sariigtaye haddaan, sii Hinjiyo Maaxda,

Samir-siis Tixdaan idhi haddaan, Sii Galgalo xaadho,

Sakaraadka waa loo dhashiyo, Seefta Geeridda’e,

Subaxii yimaaddaba Nafluhu, Wuu Sunsumayaaye,

Salabaha ma dhaaddani Waxaa, Mayd la sii sido’e,

Lama saarin dhaayaha Baloo, Soontay labba Yoome,

Sanku Neefle dhaafaa ma jiro, Saaca loo qoraye,

Sal-dhig yare Adduunkani ma aha, kii Saxda ahaaye,

Baroor diiqdu wey Sunno Tacsiddu, waa Sad iyo kheyre,

Subxaanaka yaa Cadiim Adaa, Ceeb Saliim ka ahe,

Sameeyihii Samaystoow Addaa, Saaka Oofsadaye,

Uurka iyo Sinta iyo Hooyaddii, Saartay Dhabarkeedda,

Marka hore Sareeyoow ka sii, Samir iyo Iimaan.

Sawjadiisi Xaaskiyo Marwaddu, Jiifay Sinaheedda,

Iyadana Sareeyoow ka sii, Samir iyo Iimaan.

Safkay wada dhasheeniyo Intii, Ehelo soo raacda,

Ama Jaarki Sabadduu iyana, Xil iska saaraayey,

Saxaabaddii wacneyde inbadan, Saymo kala doogtey

Ama Surrin la qaadee Sabiyo, Sooryo la wadaagtay,

Ama kuwuu sidii Awr Hayina, Guradda Saaraayey,

Ama Suxufiyiintey wax badan, Samo-wadaageenba.

Nin Sariyo Nin hoosaba Dadkii, Saa’id la hal-maaley,

Gidiggood Sarreeyoow ka sii, Samir iyo Iimaan.

Oo Sadrigooda Eebbow ka reeb, wey sahwiyayeenne,

Isagana subxaanoow ku soor, samiyo Kheyrkaagga,

Qabrigana Siraad uga dhex daar, Saatirbaa tahaye,

Oo sahal Xisaabtawga yeel, Saatirbaa tahaye,

Oo Kutubka Midigtaa ka saar, Saatirbaa tahaye,

Oo Jidkii Siraad Rabboow, Sibiq u weydaarri,

Oo Saymaha Cadaabtana Rabboow, Sibiq u weydaari,

Oo Jannadda ku Sooroo Rabboow, Samo ku deeqsii 



Abwaan Ismaciil Jiheeye