Dhaxanta Daranee Dhacaysa (Tix raaca Maqaalkii Ladna Rashiid WQ: Hussein Laki

0
Thursday January 08, 2015 - 08:54:17 in by Super Admin
  • Visits: 1255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaxanta Daranee Dhacaysa (Tix raaca Maqaalkii Ladna Rashiid WQ: Hussein Laki

    Waxaa aad ii soo jiitay Maqaal ay ku qortay Shabakadaha war lalis ee dalka, Gabadha la yidhaahdo Ladna Rashiid, taariikhdu markay ahayd 5/01/2015, oo ay ugu magic dartay DHAXANTA DARAN EE DHACAYSA,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa aad ii soo jiitay Maqaal ay ku qortay Shabakadaha war lalis ee dalka, Gabadha la yidhaahdo Ladna Rashiid, taariikhdu markay ahayd 5/01/2015, oo ay ugu magic dartay DHAXANTA DARAN EE DHACAYSA,

 iyadoo ku abaartay maqaalkeedaas dayaca iyo dhibaatada ay qabaan dadka reer Somaliland ee xiskoodii lumiyay (dadka dhimirka wax ka qaba), isla markaana ku dhiirigelisay Shacab, dawlad iyo maalqabeeno-ba inay u kacaan sidii dadkaas loo caawin lahaa, waxaanan inantaas ku amaanayaa dareenkeeda nool ee ka damqaday dhibka iyo silica dadkaas haysta, balse, waxaa isweydiin leh, yaa dadkaas mas’uuliyadoodu saaran tahay, oo ay tahay inay wax u qabtaan? Yaa ilaahay ku ogyahay oo uu kala xisaabtami doonaa mas’uuliyad ahaan Maalinta xisaabta ee Aakhiro? Jawaabtu waxay tahay, waxaa mas’uuliyadoodu saran tahay oo dayacay, ilaahayna kala xisaabtami doonaa cidda dalka iyo dadkaba mas’uuliyada u haysa ee Amaanadii umaddani lahayd iyagu qaaday oo ah Madaxweynaha, wasiiradiisa, golaha barlamaanka, Guuritida oo ah kuwo ka indho-la’ waxa damqay dareenka Inanta maqaalkaas qortay ee ladna rashiid iyo Muwaadiniin kale oo badan oo la qaba walaaceeda.

 

 

Si gaar ah, Cidda mas'uuliyada dalka iyo dadkuba saaran tahay waa Madaxweynaha (Axmed siilaanyo), waayo, diinteenu waxay inoo sheegtay in maalinta Qiyaame cidkasta la waydiin doono waxa uu ka qabtay, iyo sida uu wax uga qabtay ciddii uu mas’uulka ka ahaa, waxaynu kaloo ognahay in ninka madaxda ah iyo kan maalqabeenka ahiba ay 500 sano xisaabta kaga danbeyn doonaan dadka kale, iyadoo la weydiin doono mid walba wixiii uu ka faly, ama ka yeelay Mulkigii , madaxtinimadii, iyo maalkii ilaahay siiyay ee fadliga dheeraadka aha, sidaas darted, waxaan kula talin lahaa Madaxweyne Siilaanyo inuu si aad ah uga fekero culayska iyo xisaabta Alle ee ka iman doono dayac iyo silica ku yimaada dadka uu madaxweynaha u yahay inta uu hugaanka dalka hayo, kuna mashquulo sidii uu intaa karankiisa ah u caawin lahaa, ugana war hayn lahaa tabantaabada dadka jilicsan ee uu u dhaartay inuu wax u qaban doono, halkii lagaga mashquuli lahaa siyaasad iyo Kaambayno aan midho lahayn aakhiro iyo adduunyaba. marka laga hadlayo wax u qabashada dadka jilicsan, Waxaa inta badan lagu andacoodaa inaan layna aqoonsan, oo dalkeenuna aanu dhaqaale fiican lahayn, taasina waa mid aan cilmiyaysnayn, waayo, waxaynu ognahay lacagaha lagu bixiyo kaambaynada siyaasiga ah, gaar ahaan xiliyada ay mowshinada siyaasiga ahi oogan yihiin inay wax badan ka qaban kari lahaayeen taageerada iyo u hiilinta dadka dhibaataysan ee ay ka midka yihiin dadka xuskooda lumiyay, balse, ay muuqato inaan loo xiiso qabin arimahaas, lana ilowsan yahay in la guto Amaanadii la qaaday iyadoo Alle lagaga baqayo, Maalin kale ayaase la garan doonaa oo aanay qoomamo iyo Shalayto waxba tari doonin, oo ah maalinta nafkastaaba hor taagan tahay xisaabta alle ee caddaalada ah, waxaanan ku gunaanadayaa, WAAR HOY KUWIINAN QAADAY AMAANADDA UMADOOW, XISAABIYA NAFAHIINA, KAHOR INTAAN LAYDIN XISAABIIN.





 

Wa Bilaahi Towfiiq,

 

Hussein-lucky Mohamed Mohamoud,

Email,husseinlucky@hotmail.com

Burao, Somaliland