Maxaan Ka Bartay Pro- Ahmed Ismail Samatar ,Khudbadii U Ka Jeediyey Jamacada Burco 7/1/2015,WQ: Maxamed Salaad

0
Saturday January 10, 2015 - 08:00:26 in by salman abdi
  • Visits: 1304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaan Ka Bartay Pro- Ahmed Ismail Samatar ,Khudbadii U Ka Jeediyey Jamacada Burco 7/1/2015,WQ: Maxamed Salaad

    Pro. Ahmed Ismail Samatar Ilahay Ha Ka Abaal Mariyee Waxa Uu Si Cad O Hufan Oo Cilmiyaysan U Kala Saaray Muwaadino(Citizenship ) Iyo Qabyaalada ( Tribalism) ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Pro. Ahmed Ismail Samatar Ilahay Ha Ka Abaal Mariyee Waxa Uu Si Cad O Hufan Oo Cilmiyaysan U Kala Saaray Muwaadino(Citizenship ) Iyo Qabyaalada ( Tribalism) ,

(Qabyaalada Iyo Muwadinimada)(Tribalism Vs Citizenship)

Pro. Ahmed Ismail Samatar Ilahay Ha Ka Abaal Mariyee Waxa Uu Si Cad O Hufan Oo Cilmiyaysan U Kala Saaray Muwaadino(Citizenship ) Iyo Qabyaalada ( Tribalism) , Khudbadi Uu Jediye Waxyaabihi Aan Aan Si Gaar Ah U Calaamadiyey Waxa Ka Mid Ah Qodobadan Hoos Ku Xusan.

1. Muwaadino: Muwaadinku Waa Kuma (Who Is Citizenship)

• Waa Qof Xor Ah Oo U Hogaansan Sharciga Isago Garanaya Waxa Xaq Loogu Leeyahay Iyo Waxa Uu Xaq U Leeyahay
• Waa Qofka Bixiya Cashuurta Ku Waajibtay.
• Waa Qofka Ay Laabtiisa Iyo Dhiigisa Ku Wayn Tahay Midnimada Iyo Wadajirku.(National Unity And Security)
• Waa Qofka U Hogaansan Shuruucda Wadabka U Taala.
• Wa Qofka U Dooda Walaalkiisa Ka Maqan Ee Ka Danqada. (Personal Humanity)

2. Tribalism: Pro.Ahmed Ismail Samatar Waxa Uu Yidhi Dadku Waa Inay Kala Saaran Arimaha Kala Ah Qabiilka Iyo Tolka .
Tolku Waa Dad Isku Ehel Ah Isku Abtirsada Is Dhalay , Sida Aabaha , Awawga , Hooyada, Abtigaa I.W.M
Qabiil: Qabiilku Waa Marka Aad Si Kala Gurto Oo Aad Laf Laf U Si Kala Qaado Isirkaaga Ama Xaga Sare Ka Soo Bilaw Ama Xaga Hoose Ka Bilow, Qofka Qabiilka Aad Ugu Talaxtafa Ama Adeegsada Waxa U Ku Danbeeya Cidhib Xumo Iyo Burbur. Waana Dadka Yidhaahda Yaa Reer Hebalaay Iyo I.W.M

3. Side Laysu Xukumaa (Protocol Culture). Hadii La Helo Saddex Arin Waxa Dhasha Dhaqan Wanaagsan Oo Laysku Xukumo Saddexda Arimood Waxay Yihiin
Civic Sprit: Oo Macnaheedu Yahay Inuu Qofku Leeyahay Ruux Qoomiyadeed Qofka Ku Dhex Abuuran Waxa Laga Helaa Dad Muwaadininta Dhabta Ah.
Democracy: In La Helo Dan Wadaag Iyo Dood Wadaag Madax Banana Oo Baqdin Ka Dheertahay, Iyadoo Aan Laga Hor Imanayn Xeerka Umada.
Low: In La Helo Sharci Dadka Kala Saara Oo Xata Madaxweynaha Qabta .

4. Qaybaha Dawlada : State Of The Government , Dawlada Tayada Leh Waxay Qaybsantaa Afar Waaxood Oo Waaweyn Sida .
Leader Of The Country: Hogaanka U Sareeya Ee Wadanka Sida Madaxweynaha.
Regime: Xafiisyo Dawladeed Sida Kuwa Wasiirada.
Administration: Halka Shaqad Ugu Culus Ee Qaran Ka Socoto Oo Ah Laamaha Kala Duwan Ee Xafiisyada Wadanka Oo Dhan . ( System Of Infrastructure Of The State )
Community: Shacab, Inuu Jiro Shacab La Xukumayo .

Pro. Ahmed Ismail Samatar Intii Uu Ku Guda Jirey Khudbadiisan Ku Saabsan Muwaadinimada Iyo Qabyaalada Waxa Uu Ka Dhawajiyey Inaan Horumar La Helayn Ilaa La Ixtiraamo Oo La Karaameeyo Dumarka Oo Mar Ina Dhalay Mar Aynu La Dhalanay Mar Aynu Ka Dhalnay , Iyo Dadka La Hayb Sooco Ee Inagu Dhex Dulman .
Pro Ahmed Ismail Samatar Waxa Uu Ku Soo Gunaanaday Khudbadiisan Fariim Uu U Diray Shacabka Reer Somaliland Iyo Xukuumadaba Waxa Uu Yidhi Geba Gebadii Waa In

1. Waa In Wadanka Sharcigiisa La Ixtiraama Oo Laga Danbeeya .
2. Waa In Doorashooyinka Soo Socda Ee Wadanka Ku Soo Food Leh Lagu Saleeya Nidaam Muwaadinimo Oo Meesha Laga Sara Nidaamka Qabiil.
3. Dhalinyaradu Waa Inay Fahanta Inay Wadanka Iyagu Xaq U Leeyihin Mustaqbal Wacana U Soo Socdo.

Akhiriste haddi aad ka heshay hadaladan kooban u gudbi walalkaaga muwaadinka ah ee horumarka la jeceshahay. Mahadsanidin wallal




W/Qoray: Mohamed Salad Ali . 

Burco Somaliland

https://www.facebook.com/salaad10