Dhaqaalaha Jaadka sanadkii Somaliland kaga baxa.WQ:Abdisamed Bashe

0
Saturday January 10, 2015 - 08:49:40 in by salman abdi
  • Visits: 1168
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaqaalaha Jaadka sanadkii Somaliland kaga baxa.WQ:Abdisamed Bashe

    Budgetkii maalintii dhawayd wasiirka maaliyada Somaliland uu soo bandhigay ayaa ahaa 250,000,000 laba boqol iyo konton milyan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Budgetkii maalintii dhawayd wasiirka maaliyada Somaliland uu soo bandhigay ayaa ahaa 250,000,000 laba boqol iyo konton milyan

Sanadkii hore dabayaaqadiisii bay ahayd mar ay ganacsatada jaadka ka keenta wadanka itoobiya ay ka cabanayeen in jaadkoodi xoog loogaga qaado inta uu so socdo ee aanu wadankeena soo gaadhin, hadaba mar ay ka hadlayeen warbaahinta Ayaan daawaday iyagoo ku hanjabaya hadii aan arintaas wax ka qaban dawlada Itoobiya waxaan u wareegayna Kenya, waxa uu sheegay in lacagta kaga baxda sanadkasta ee waliba kaash ahaan u diraan wadankas itoobiya ay tahay 438,000,000 afar boqol iyo sided iyo sodon milyan oo doolar. Runtii aniga shakhsi ahaan aad ayay iiga yaabisay lacagtaas xadigeedu eek u baxaysa jaadka.

 Budgedtii maalintii dhawayd wasiirka maaliyada Somaliland uu soo bandhigay ayaa ahaa 250,000,000 laba boqol iyo konton milyan, waad aragtaa farqiga udhexeeya labadaa lacagyaw ee ah lacagta wadanka ka baxda sanad kasta.Waa lacag inagaga baxda daqiiqado yar oo mirqaan ama waali ah, way dhaami lahayd hadiiba jaadku wadankeena kasoo baxayo oo lacagtu qof muwaadina u tagayso lkn tan wa mid wadankii kabaxaysa oo wadankale u ah dakhli.

 

     Jaadka ama qaadka kolba waa sidii loo yaqaane Ayaan waxyeeladiisu aanay ku koobnayn dhibaato dhaqaale balse bulshada ku haya dhib caafimaad iyo mid ah burbur qoys oo jaadku badiyaaba yahay waxa keenay.

     Waxaan soo jeedin lahaa Xeerka xakamaynta jaadka waa in la abuuraa, oo ah in la kordhiyo cashuurta laga qaado jaadka, suuq u gooniyana loo sameeyaa haday noqoto kalaga iibsanayo iyo kan lagu qayilayaba, tan waxa ay horseedi kartaa in dadkii faraha badna ee isticmaali jiray ay yaraadaan maadama uu qiimahii jaadku saro u kaco( cashuurta marka lakordhiyo qiimaha jaadkuna wuu kacayaa)iyo marka meelo gaara oo suuqa ka durugsan looga dhigo meelahii lagu qayilayay.

 

 

WQ: Abdisamed Bashe