Jabuuti Oo Ka Hadlay Ahmiyadda Shirkii IGAD Ee Muqdisho Lagu Qabtay.

0
Sunday January 11, 2015 - 21:30:58 in by Burco Office
  • Visits: 710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabuuti Oo Ka Hadlay Ahmiyadda Shirkii IGAD Ee Muqdisho Lagu Qabtay.

    Magaalada Muqdisho waxa shalay lagu soo gebagabeeyay shirkii aan caadiga ahayn ee 53aad ee wasiirrada arrimaha dibedda ee wadammada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho waxa shalay lagu soo gebagabeeyay shirkii aan caadiga ahayn ee 53aad ee wasiirrada arrimaha dibedda ee wadammada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD.

Waa markii ugu horreysay mudo ku dhaw sodon sano oo ay Soomaaliya marti galiso shirka IGAD, waxayna tani muujinaysaa sida xaaladdu usoo hagaagayso inkastoo weli kooxda Al-Shabaab ay weerraro ka gaysato caasimadda iyo magaalooyinkii laga saaray.


Wasiirka Arrimaha Dibedda ee waddanka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, oo ka mid ahaa wasiirradii ka qeyb galay shirkii IGAD ayaa ku tilmaamay wax lagu farxo sida Soomaaliya ay u marti galisay shirkan, isagoo dhanka kale ka hadlay isbadallada uu Muqdisho ku arkay muddadii uu joogay.
Shirkan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa uu u muuqda mid lagu hagaajinyo niyada shacabka somalia iyo dawladiisa si loo dareemo degenaansho yar oo kasoo muuqda Muqdisho.


contact@afkashacbka.com